Skip to main content

Racial discrimination (brochure)

Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario’s Human Rights Code)

Xeerka Xuquuqada Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerka (the Code) wuxuu badbaadiyaa xuquuqda iyo fursadaha siman, iyo ka-madax banaanida takoorka.  Xeerku (Code) wuxuu aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha qof kasta oo ku sugan Ontaariyo.  Waxaa lagu dabaqaa meelaha laga shaqeysto, guryaha, fududeynta iyo adeegyada, heshiisyada, iyo xubin ka-noqashada ururada, ururada tujaarada ama farsamda.

Xeerka Xuquuqada Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerka (the Code) wuxuu badbaadiyaa xuquuqda siman iyo fursadaha, iyo ka-madax banaanida takoorka.  Xeerku (Code) wuxuu aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha qof kasta oo ku sugan Ontaariyo.  Waxaa lagu dabaqaa meelaha laga shaqeysto, guryaha, fududeynta iyo adeegyada, heshiisyada, iyo xubin ka-noqoshada ururada, ururada tujaarada iyo farsamada.

Sida hoos timaada Xeerkan (Code), qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in uu ka madax banaan yahay takoorka isirka iyo kadeedka.  Waa in aan laguula dhaqmin si duwan taasoo ugu wacan isirkaaga ama asbaab kale oo la xariirta, sida abtirsiinada, midabka, meesha asalkaagu yahay, asalka jinsiyadaada, dhalashadaada ama waxa aad aaminsan tahay.  Tan waxaa lagu dabaqaa meelaha uu ka hadlo Xeerkani (Code) sida shaqada, dugsiga, guryaha la kireysto, ama adeegyada.  Adeegyada waxaa ka mid ah meelaha sida dukaamada iyo suuqa, hoteelada, isbitaalada, meelaha lagu nasto iyo dugsiyada.

Isir raaca iyo takoorka isirka:

Kanada waxaa ka jira sharciyo xooggan oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo nidaamyo lagaga hadlo takoorka.  Isla markaasna, waxaan dhaxal u leenahay isir raaca – gaar ahaan midda ku aaddan dadka u dhashay dhulka (Aborgines), iyo xataa kooxaha kale, sida Afrikaanka, Shiinaha, Jabaanka, Aasiyada Koonfur, Yahuudda iyo Muslimiinta Kanada.  Dhaxalkaani wuxuu saameeyaa nidaamkeenna iyo dhismaheenna xataa maanta, taasoo saameeysa nolosha dadka loo kala saaray isir ahaan iyo dhammaan dadka ku sugan Kanada.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission) waxay bulshada ay haysato isir raacu ku sifeysaa in ay yahiin kuwa ku kala “soocan isirka.”  Isirku waa fikrad bulshadeed.  Tan macnaheedu waxay tahay in bulshadu samayso fikradaha isirka taasoo ku saleysan qodobada joqraafiyada, taariikhda, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka, iyo astaamaha jirka, inkastoo dhammaan aan loo adeegsan karin in sabab looga dhigo kala sarraynta isirka ama fikradaha laga qabo isirka. 

Isir raac waa fikrad iyo dhaqan ka ballaaran takoorka isirka.  Isir raacu waa waxa qofka aaminsiiya in hal kooxi ka sareyso kuwa kale.  Isir raaca waxaa banaanka u soo saara kaftanka isirka, aflagaadada, ama dambiyada nacaybka. Wuxuu kaloo si qoto dheer xidid ugu lahaan karaa dabeecadaha, waxyaabaha uu qofku qiimeeyo iyo waxyaabaha caadi ahaan u qofku qabo.  Mararka qaar, dadku xataa ma oga in ay aaminsan yahiin waxyaabahaan.  Hase ahaatee, waa waxyaabo uu qofku qaatay muddo dheer kaddibna qayb ka noqday nidaamyada iyo hay’adaha, kaddibna xariir la yeeshay awoodda iyo danaha kooxda xukunka haysata.

Takoorka isirku waa soo jeedinta sharci darrada isir raaca.  Waxaa ka mid ah fal kasta, ha ahaado ula kac ama yuusan ahaan, taasoo natiijo ahaan bar tilmaameed ka dhigata shakhsiyaad una raacda isirkooda, kaddibna saarta culeys gaar ah oo aan la saarin dadka kale, ama in laga reebo ama xad loo yeelo manaafacaadka ay qaataan xubnaha kale ee ka tirsan bulshadu, xagga meelaha uu ka hadlo Xeerku (Code).  Waxaa ku filan in isirku ahaado hal qodob oo keliya si loo xaqiijiyo in takoor isir uu meesha ka dhacay.    

Kadeedka isirku waa nooc ka mid ah takoorka.  Waxaa ka mid ah faallada, kaftanka, aflagaadada, muujinta sawiro ama dabeecad kuu geysata aflagaado, kuu gafta ama kuu dhigto hoos taasoo ku salaysan isirkaaga iyo aasaas kale oo la xariira.

Inta badan takoorka isirku wuxuu ahaan karaa mid hoosgelis ah, sida marka qofka loo xilsaaro shaqooyin in yar la jeclaan karo, ama loo diido in la siiyo hoggaamin ama tababar.  Waxay kaloo la macno ahaan kartaa in qofka lagu furo heerar kala duwan xagga shaqada marka la barbar dhigo shaqaalaha kale, loo diido abarman maxaa yeelay wuxuu u muuqdaa in uu ku abtirsado dadka asal ahaan u dhashay waddanka (Aborgine), ama marka booliisku ama shaqaalaha amnigu kugu sameeyo baaritaan aan xaq ahayn inta aad waddid baabuur ama aad ku sugan tahay suqa.

Takoorka isirka ee ku dhisan nidaamka:

Takoorka isirku wuxuu ka dhici karaa heerka - hay’adda – ama nidaamka, laga bilaabo sharciyada lala kulmo maalin kasta iyo nidaamyada aan si laga fakaray loogu talogelin ama loo sameynin in lagu takooro.  Sansaanka dabeecadda, siyaasadaha ama dhaqamada qeybta ka ah dhismaha urur ama qeyb idil waxay dhibaato u geysan karaan ama waxay ku fashali karaan in ay ka noqdaan saameynta socota iyo taariikh ahaan dhaxalka dhibaatadu ay gaarsiiso dadka lagu soo koobay isirka.  Tan macnaheedu waxay tahay in ay dhici karto, inkastoo aadan ku talo gelin, in “habka aad caadi ahaan wax u sameysid” oo waxyeello gaarsiiya dadka lagu soo koobay isirka.

Tusaale: Qeybta waxbarashada, takoorka nidaamka waxaa ka mid noqon kara: in ardayda loo arko isir ahaan kaddibna lagu hoggaamiyo barnaamijyada farsamada baddalkii lagu toosin lahaa waxbarashada.  Waxaa kaloo jira, marka dhaqamada horumarintu abbaaraan qodobada hidaha iyo ururka kuwasoo ku saleysan waayaha tababareyaasha Caddaanka, natiijadu waxay noqon kartaa in ay hoos u dhacdo tirada kaalinta hoggaaminta dadka lagu soo koobo isirka (sida agaasimeyaasha) 

Aqoonsiga iyo wax ka qabashada takoorka isirka:

Ururadu waa in ay ku dhaqaaqaan tallaabo firfircoon si loo hubsado in aysan ka qeybgelin, in aysan sabab u yeelin ama in aysan ogolaanin takoorka iyo in uusan dhicin kadeed isir ku salaysan.

Meel wanaagsan oo laga bilaabo waa in la horumariyo barnaamij adag oo ka soo horjeeda isir raaca kaasoo kaalmeyn kara ka-hortagga iyo wax ka-qabashada qaababka takoorka isirka, ha ahadeen keli keli ama kuwo ku dhisan nidaamka.  Tan waxaa ka mid noqon kara:

  • In xaaladaha ku habboon, la uruuriyo xogta tirada ku saleysan isirka
  • In taariikh ahaan la xisaabiyo xaq darrada ku salaysan isirka
  • In la fiiriyo siyaasadaha, dhaqamada, hababka lagu gaaro go’aanka iyo hiddaha goobta shaqada si loo ogaado waxyeeladooda
  • In la dejiyo lana hirgeliyo siyaasadaha ka soo horjeeda isir-raaca, ka soo horjeedo takoorka iyo ka soo jorjeeda kadeedka iyo barnaamijyada waxbarashada.   

Barnaamijka ka soo horjeeda isir-raacu wuxuu kaloo ururada sahal uga dhigi karaa horumarinta ujeedooyinka sinaanta iyo kala duwanaanta, waxayna u roon tahay ganacsiga wanaagsan.

Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah:

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission), Siyaasadda iyo Tilmaamaha ku saabsan Isir Raaca iyo Takoorka Isirka (Policy and Guidelines on Racism and Racial Discrimination) iyo daabacaadyo kale waxaa laga heli karaa www.ohrc.on.ca.

Si loo gudbiyo ashtako – taasoo lagu magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) lagana helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-598-0322
TTY lacag la’aan: 1-866-607-1240
Website: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) ee laga helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-625-5179
TTY lacag la’aan: 1-866-612-8627
Bogga Internetka: www.hrlsc.on.ca 

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-8655-9 | HTML: 978-1-4435-8656-6 | PDF: 978-1-4435-8657-3
Attachments

File name File size Actions
Racial discrimination_Somali_accessible.pdf 494.09 KB Download
Attachments