Skip to main content

Sexual orientation and human rights (brochure)

Maxaa loola jeedaa macnaha Aaminaadda Lab/Dheddig ee Qofku doorto?

“Aaaminaadda qofku doorto” waa astaan lagu yaqaan qofka taasoo qayb ka ah waxa aad tahay.  Waxay ku saabsan tahay baaxadda lab/dheddig ee aadanaha laga bilaabo dumarka haweeysta dumarka kale (lesbian) iyo farxaanka (gay), ilaa nimow-naageedka (bisexual) iyo aqoonsiga dabiiciga ah.  

Maxay tahay badbaadinta laga helo Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code)?

Xeerka Xuquuqada Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerka (the Code) waa sharci suga xuquuqda siman  iyo fursadaha, wuxuuna aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha qof kasta oo ku sugan Ontaariyo.  Xeerku (the Code) wuxuu sharci darro ka dhigay in la takooro ama la kadeedo qof taasoo ay ugu wacantahay noociisa (lab/dheddig) uu qofku doortay ama xaaladda guurkooda.  Tan waxaa ka mid ah xariirka ka dhexeeyo dadka isku jaadka ah ah (same sex).

Xaqa loo leeyahay in laga madax banaanaado takoorka iyo kadeedka waxaa lagu dabaqaa adeegyada shaqada iyo fududeynta, soo dhaweynta iyo guriyeynta, heshiisyada iyo ka tirsanaanta ururada, urarada shaqaalaha iyo aqoon yahanka.

Qofka loolama dhaqmi karo si sinaan la’aan ah ama laguma kadeedi karo meelahaan maxaa yeelay wuxuu yahay farxaan (gay), dumarka haweysta dumarka kale (lesbian), Nooca u dhexeeya ragga iyo dumarka (heterosexual) ama nimow-naageed (bisexual).  Waxaa kaloo ah sharci darro in lagu kaco takoor maxaa yeelay qof ayaa wuxuu ku jiraa xariirka dadka isku jaadka ahl(same sex).

Sida xun ee loo fiiriyo iyo faallada laga bixiyo Khaniisyadu waa mamnuuc, taasna waxay ka tirsan tahay badbaadinta uu Xeerku (the Code) ka bixiyay takoorka ku saleysan jaadka uu qofka doorto, iyadoo aan la fiirinin jaadka qofka la bartilmaamaystay, ama waxa loo arko in uu yahay.

Gormaa ayay noqotaa kadeed?

Kadeedku waa marka la sameeyo ama lagu dhawaaqo faallo ama falal geysta dhaawac  ama la ogsoon yahay ama ay tahay in la ogaado in aan laga helin.  Tusaalooyinka qaar waa:

  • Milkiilaha hantida ayaa wuxuu qof dumar ah oo haweysata dumarka kale (lesbian) ee deggan guriga ku yiri “tag, la noolow dad ah sidaada oo kale maxaa yeelay kama tirsanid halkaan.”
  • Kaftanka iyo baaqyada nacaybka ah ee loo qabo khaniisyada, lagana sameeyo jaadka uu qofu doortay ama xariirka ka dhexeeya dadka noocoodu isla midka yahay
  • Muujinta calaamadaha sharaf darrada, sawirada sida khaldan loogu mattalo qofka, kartoonada ama qoraalada aflagaadada ah ee lagu qoro darbiyada.

Kadeedku wuu dhici karaa xataa haddii faallada ama falalku aysan si khaas ah ugu saabsaneyn nooca qofka.

Tusaale:  Goobta shaqada oo taariikh ahaan lagu yaqaan nacaybka khaniisyada, waxaa si ku celcelis ah loogu kajamaa laguna kaftamaa labada farxaan (gay) ee la ogsoon yahay.  Waqtiyo hore, shaqaale kale oo farxaan (gay) ah ayaa shaqada uga tagay dhaqan la mid ah kan.  Sida ku salaysan xaaladaha, shaqaalaha kale ee lagu ogsoon yahay waxyaabahaas waxay ku doodi karaan in la kadeedo taasoo ay ugu wacantahay noocooda lab/dheddig, xataa haddii qofna uusan si toos ah u tixraacin in ay yihiin farxaan (gay).

Ma aha in mar kasta si ku cecelis aha loola kulmo dabeecadda aan wanaagsanayn si ay arrintu u noqoto sharci darro.  Hal dhacdo ayaa ku filan in xaajadu cuslaato

Xaaladaha qaar, waxaa dhici karta in faallada nacaybka loo qabo khaniisyadu tahay caadi, dadkuna waxay u haystaan in qof kasta uu hawo ahaan raadsado qof ka duwan.  Hase ahatee, tan ma aha in badanaa lala kulmo, iyo faallada sida “taasii waa farxaanimo (gay)” waxay dhaawac iyo murugo gaarsiin karaan dadka aan sheegin in hawaysigoodu ka duwan yahay.

Shaqaalaha, bixiyeyaasha guryaha, bixiyeyaasha adeegyada iyo dadka kale waa in ay hubsadaan in jawigooda iyo adeegyadoodu ka madax banaan yihiin takoorka iyo kadeedka.  Waa in ay tallaabo ka qaadaan haddii ay ogaadaan ama ay tahay in ay ogaadaan dabeecadda kadeedka sida ku saleysan haweeysiga ama xariirka ka dhexeeya dadka isla nooca ah.  Tallaabadaan waxaa ka mid ah in aan la ogolaanin isticmaalka luqadda nacaybka loo qabo khaniisyada, xataa haddii qofna uusan ka soo ashtakoonin.

Goormaa ayay tahay takoor?

Takoorka waxaa lala kulmaa marka qofka loola dhaqmo sinaasho la’aan ama si duwan taasoo ay ugu wacantahay noocooda lab/dheddig ama xariirka uu qofku la leeyahay qofka ay isla nooca yihiin, taasoo dhibaato ku dhalisa qofka.  Waxay kaloo tahay sharci darro in dadka kale loo sheego in ay ku dhaqaaqaan takoor taasoo ay ugu wacantahay nooca lab/dheddig ee ay doortaan.  Takoorku wuxuu ka dhalan karaa falalka qofka ama sharciyada iyo siyaasadaha ururka.

Tusaale:  Shaqaale ayaa loo diiday in la siiyo darajo, tababar ama waaba la ruqseyey taasoo ay ugu wacantahay noociisa ama xariirka uu la leeyahay qof ay isla nooc yihiin (Same sex).

Tusaale:  Qorshaha caymiska caafimaadka shirkad ayaa daboosha baahida qofka uu qabo qofka noocahaan ka duwan qofka ku jira caymiska balse ma daboosho qof noocahaan la mid ah qofka ku jira caymiska.

Dadka looma diidi karo adeegyo taasoo ay ugu wacantahay noocooda, xataa haddii bixiyaha adeegga ama macaamiisha kale ay si kale la tahay.

Tusaale:  Makhaayad ayaan u adeegin labo qof oo isla nooc ah, maxaa yeelay maamulaha waxay la tahay in macamiishiisa kale aysan rabin in ay meesha yimadaan haddi loo oggolaado labadaas qof.

Kadeedku wuxuu dhalin karaa dagaal:

Badanaa aamusnaanta ama in aan waxba la samaynin meesha kama saarto takoorka, iyo marmarna dabeecadda noocaas ah waxay horseedi kartaa dagaal.  Haddii aad dhibsanaysid ama aad dareentid in lagu handaday, kala hadal qof ka tirsan madaxda, milkiilaha dukaanka, iwm.

Waxaad la xariiri kartaa Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) si aad u soo gudbisid ashtako.  Haddii dabeecadda kadeedku ku dareensiiso halis ama kuu horseedo dagaal, wac booliiska.

Si aad u heshid macluumaad badan:  

Siyaasadda ku saabsan Takoorka iyo Kadeedka Taasoo Ugu Wacan Nooca uu Qofku Doortay (Policy on Discrimination and Harassment because of Sexual Orientation) ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission) iyo daabacaadyo kale waxaa laga heli karaa www.ohrc.on.ca.

Si aad u gudbisid ashtakada xuquuqda aadanaha – laguna magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) lagana helo:
Lacag La’aan: 1-866-598-0322
TTY Lacag La’aan: 1-866-607-1240
Bogga Internetka: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Xuquuqda Aadanaha ee laga helo:
Lacag La’aan: 1-866-625-5179
TTY Lacag La’aan: 1-866-612-8627
Bogga Internetka: www.hrlsc.on.ca 

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-7563-8 | HTML: 978-1-4435-7564-5 | PDF: 978-1-4435-7565-2
Attachments