Skip to main content

Sexual and gender-based harassment: know your rights (brochure)

Kadeedka Haweesiga iyo kadeedka ku saleysan lab/dhedig waa noocyo ka mid ah takoorka.  Waxay dhaawici karaan sharafta qofka, waxay qofka dareensiin karaan ammaan darro, waxayna ka hor istaagi karaan in qofku uu gaaro karti buuxda.  Lama ogola in haweesi ahaan qofka la kadeedo ama la dhibo taasoo ay ugu wacantahay haweeysiga qofka, ahaashaha lab/dhedig ama haweeysiga uu qofku doorto.  Waxay ka soo horjeedaa sharciga.

Badanaa, qofka madaxda ah ayaa sameeya kadeedka, hase ahatee waxaa dhici karta in ay ka timaado axsaabta, shaqaalaha lala shaqeeyo, iwm.  Dumarka ayay aad u waxyeelaysaa maxaa yeelay inta badan waxay ka shaqeyaan shaqooyinka mushaarka yar laga qaato, waxayna u badan tahay in ay keligood koriyaan caruuta.  Xataa dadka madaxda ah waxay noqon karaan dhibaneyaal xagga kadeedka Haweeysiga.

Maxuu yahay kadeedka Haweeysigu?

Sida hoos timaado Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code), kadeedka Haweeysigu waa marka “lagu dhaqaaqo faallo xun ama dabeecad la og yahay ama ay tahay in la ogaado in ay tahay shay aan laga helin.”  Kiisaska qaar, hal dhacdo ayaa noqon karta shay culus oo ku filan in ay noqoto kadeedka Haweeysiga.  KadeedkaHaweeysiga waxaa ka mid ah:

  • in qofka la weydiisto wada xajood istaabasha leh si loogu baddalo shay kale, sida in loo kordhiyo darajada ama la siiyo horumar xagga shaqada, ama in laga reebo shay sida hagaajinta looga baahan yahay guriga
  • in qofka la weydiisto ballan iyo in “maya” aan loo qaadanin jawaab
  • in qofka laga dalbado hab siin
  • in si aan loo baahneyn loo taabto jirka qofka, sida taabashada aan la rabin
  • in la isticmaalo edeb darro ama aflagaado ama in faallo laga bixiyo gabdhaha, dumarka, wiilasha ama ragga
  • in dadka loogu yeedho magacyo naxariis darro ah oo la xariira xaaladooda ama ahaashaha lab/dhedig
  • in faallo laga bixiyo muuqaalka qofka jirkiisa (tusaale ahaan, haddii ay qurxoon yahiin ama haddii aysan qurxoonayn)
  • in la sheego ama la sameeyo shay maxaa yeelay waxay kula tahay in qofku uusan ka mid noqon karin noocyada kaalinta ka qaata dicaaydaha wada xaajoodka raga iyo dumarka
  • in la daabaco ama la qaybiyo sawirada qaawanaanta, sawirada wada xaajood muuqda, kartoonada, waxyaabaha lagu qoro darbiyada ama sawiro kale oo ku saabsan wada xaajood (kana mid ah internetka)
  • in la sameeyo kaftanka wada xaajoodka
  • in lagu faano awoodda haweeysiga
  • dhibidda ku saleysan jaadka ama ahaashaha lab/dhedig
  • faafinta wararka ku saabsan isla xaajoodka ama xanta (kana mid ah internetka).

Ma aha in kadeedka haweeysugu ahaado haweeysi.  Waxay kaloo ahaan kartaa in qofku uu ku dhibo maxaa yeelay waxay la tahay in adigu aadan u dhaqmin, u muuqanin ama aadan u labisanin sida nin (ama wiil) ama dumar (ama gabar).

Waxaa dhici karta in dadku ay ku kadeedaan maxaa yeelay waxaad tahay LGBT dumarka haweysta dumarka kale (lesbian), farxaan (gay), nimow naageed (bisexual), dadka waayaha noloshooda ay ka mid tahay ahaashaha in ka badan hal jaad (transgender).

Ogoow xuquuqda aad leedahay:

Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) wuxuu leeyahay qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka madax banaan yahay takoorka ku saleysan haweeysiga – tan waxaa ka mid ah kadeedka haweeysiga.  Xeerka(the Code) waxaa lagu dabaqaa shan qeybood oo ka tirsan arrimaha “bulshada”.

  • adeegyada, badeecadda iyo xarumaha (sida wax barashada)
  • guriyeynta
  • heshiisyada
  • shaqada
  • ka tirsanaanta ururada shaqada sida ururada shaqaalaha.

Mar marka qofku ka hadlo kadeedka haweeysiga, waxay la kulmi karaan “aar gudasho” ama ciqaab.  Xeerku (the Code) wuxuu mamnuucay aar gudashada, waxaana ka mid ah waxyaabaha sida cadaawada loogu geysto qofka, xisaabin dheeraad ah oo lagu qaado qofka (tusaale ahaan, shaqada), marka qofka bulsho ahaan la reebo ama dabeecado kale oo xun maxaa yeelay qofka wuxuu diiday wada xaajood gaar ah laga codsaday ama talo kale (sida codsi ku saabsan ballan).

Tusaale:  Maxkamad ayaa waxay milkiilaha hantida ku heshay kadeedka haweeysiga, dalbasho wada xaajood iyo aargudasho marka uu saaray hooyo dhalin yar oo keligeed ah kaddib marka ay diiday wada xaajoodkii uu ka codsaday.

Waajib kuguma aha in aad diidid kadeedka marka lala kulmo si ay u noqoto sharci darro, ama in aad adigu sheegatid xuquuqda aad leedahay sida hoos timaado Xeerka (the Code).  Waxaa dhici karta in aad ku sugan tahay xaalad laguugu geysan karo dhibaato markaasna aad ka cabsatid in aad hadashid.  Waxaa dhici karta in dadka qaar ay la socdaan kadeedka maxaa yeelay waxay ka walwalaan waxa dhici doono haddii ay diidaan.  Hase ahatee, kiisaskaan, waxaa weli lagu tilmaamaa kadeedka haweeysiga, waxayna weli ka soo horjeedaan sharciga.

Tusaale:  Maamulaha hantida iyo shirkadda maamulka hantida waxaa lagu helay kadeedka haweeysig loo geystay qof dumar ah oo dhalin yar taasoo ugu wacan dabeecadda aan ku habboonayn oo uu maamulahu ula tegey iyada.  Wuxuu u soo jeediyay faalo aan la rabin oo ku saabsan haweeysi, wuxuuna isku deyay in uu xariir saaxiibtinimo la sameeyo iyada, iyo siyaasadiisa “alabaabka furan” oo ah in uu albaabkiisa u furo suranka la maro isaga oo ku mashquulsan wada galmo.

Kadeedka haweeysugu wuxuu kaloo ahaan karaa mid khafiif ah:

Tusaale:  Maxkamad ayaa waxay sheegtay in loo-shaqeeyaha uu haweeysi ku kadeeday shaqaale marka uu si ku cecelis ah uga hadlay muuqaalka jirkeeda, isaga oo leh waxyaabahan oo kale “Oh, manta soo ma qurxanid; waa in aadan labisanin cambuurkaas, kuuma fiicna; Layloonkaas kuma fiicna gogaradaas...”

Soo jeedinta ama faallada haweeysigu waxay ka imaan kartaa madaxda:

Tusaale:  Kulliyada Macalimiinta Ontaariyo (Ontario College of Teachers) waxay shattiga macalinimada ka qaadeen macalin jira 29 sanno maxaa yeelay wuxuu haweeysi ahaan emailka ku kadeeday gabar ardayad ah.  Macalinku wuxuu isticmaalay magac been ah, wuxuuna ardayada u diray farriimo ay ka mid yahiin macluumaad ku saabsan waxa ay labisneyd maalintaas, jidka ay dugsiga ku tagtay, iyo baaqyo ku saabsan haweeysiga. 

Tusaale:   Saajin booliis oo ku hawlan kormeer ayaa wada xaajod u soo jeediyey askari dumar ah oo dhalin yar.  Markii ay soo celin weyday danahii laga lahaa, wuxuu aad u xisaabiyay shaqadeeda, wuxuu ku eedeyay karti xumo, wuxuuna asxaabta shaqada hortooda ku wacay “Mrs.” baddalkii “Askariyadda Booliiska” (Police Constable”) ama “PC”.

Kadeedku wuxuu qaadan karaa qaabka dhibidda, marka lagu sugan yahay dugsiga iyo meelo kale oo badan.

Tusaale:  Si ay u dhaawacdo arday kale oo la tartanta, gabar ayaa wareejisay warar sheegaaya in gabar kale ay fududahay iyo in ay wiilasha kula sameyso wada xajood meesha ka dambeeyso dugsiga.

Tusaale:  Shaqaale careysan ayaa wuxuu warar ka fidiyey agaasimaha taasoo dumar ah, wuxuu sheegay in ay xariir la leedahay madaxa shirkadda iyo in ay gaartay horumar maxaa yeelay “wey seeseexaty ilaa ay ka gaarto kor.”

Waxa aad sameyn kartid:

Haddii adiga ama qof aad taqaanid la kadeedo, waxaad qofka weydiisan kartaa in uu joojiyo, waxaad kaloo weydiin kartaa qof ka mid ah madaxda in uu talaabo ka qaado si loo joojiyo si aysan mar kale u dhicin.

Loo-shaqeeyeyaasha, bixiyeyaasha guryaha iyo bareyaasha iyo dadka kale ee adeegyada ka bixiyo Ontaariyo waxaa sharci ahaan waajib ku ah in ay qaadaan talaabo looga hortagaayo loogana jawaabaayo kadeedka haweeysiga iyo waa in ay hubsadaan in la dhowro xuquuqda aadanaha, xataa haddii qofna uusan soo qaadin arrimaha xuquuqda aadanaha.

Loo-shaqeeyeyaasha, bixiyeyaasha guryaha, bareyaasha iyo dadka kale waxay badbaadin karaan xuquuqda aadanaha, waxayna dadka ka ilaalin karaan sheegashada marka ay:

  • dejiyaan habab wax looga qabto takoorka iyo kadeedka
  • dhakhso uga jawaabaan arrimaha xuquuqda aadanaha marka ay soo baxaan iyo in ay ashtakooyinka u qaataan si dhab ah
  • meel u dhigaan dhaqaale si wax looga qabto arrinta/ashtakada
  • ay qofka soo ashtakooday u sheegaan talaabooyinka la qaaday si wax looga qabto arrinta.

Haddii kadeedku sii socdo ama aan sida ku habboon waxba looga qabanin, waxaad dacwadda xuquuqda aadanaha u soo gudbin kartaa Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha  Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario).

Haddii aad dareentid in kadeedku ka sii daraayo, ama amaankaaga la handado, waxaad la xariiri kartaa booliiska.

Si aad u heshid macluumaad badan:

Si aad in badan uga ogaatid waxa aad ka qaban karti si aad u hor istaagtid aadna wax uqa qabatid kadeedkaHaweeysiga iyo midka ku saleysan ahaashaha lab/dhedig, fiiri Siyaasadda Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission’s Policy) xagga ka hortagga kadeedka Haweeysiga iyo midka ku saleysan ahaashaha lab/dhedig, lagana helo www.ohrc.on.ca

Si aad u heshid macluumaad badan oo ku saabsan nidaamka xuquuqda aadanaha ee Ontaariyo, booqo:
www.ontario.ca/humanrights

Si aad u soo gudbisid dacwadda xuquuqda aadanaha (laguna magacaabo arji), la xariir Maxkamadda Xuquuqda Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario), lagana helo:
Lacag La’aan: 1-866-598-0322
TTY: 416-326-2027 ama Lacag La’aan: 1-866-607-1240
Bogga internetka: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga xagga arjiga xuquuqada aadanaha, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) lagana helo:
Lacag La’aan: 1-866-625-5179
Lacag La’aan TTY: 1-866-612-8627
Bogga internetka: www.hrlsc.on.ca

Siyaasadaha xuquuqda aadanaha, tilmaamaha iyo macluumaadka kale, booqo Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission) lagana helo www.ohrc.on.ca

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-8758-7 | HTML: 978-1-4435-8759-4 | PDF: 978-1-4435-8760-0