Maxuu yahay kadeedka isirku?
Macnaha kadeedka isirku waa in uu jiro qof adiga ku dhiba, ku handada ama kugula dhaqmo si aan xaq ahayn taasoo ugu wacan sida loo arko:
- isirkaaga
- midabkaaga
- abtirsiinadaada
- asal ahaan meesha aad ka timid
- asal ahaan dadka aad u dhalatay
- waxa aad aaminsan tahay
- wadanka aad ka haysatid dhalashada.
Waxaa dhici karta in kadeedka isir-raacu uu ku saleysan yahay isu geynta qaar ka mid ah astaamaha kore. Waxaa kaloo lala kulmi karaa waxyaabo la xariira kuwaan, sida marka aad labisatid dhar la xariira noloshaadii hore, marka aad si duwan ugu dhawaaqdid luqadda ama aad ku dhaqantid diin gaar ah.
Waa sharci darro in sababahaan dartood uu qof ku kadeedo, ku aflagaadeeyo, ama si xaq darro ah kugula dhaqmo.
Sharciga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerku (the Code) wuxuu kaa badbaadiyaa kadeedka ama takoorka. Waa la badbaadiyay xaqa aad leedahay meesha aad ka shaqeysid, meesha aad ku nooshahay, ama aad ka qaadatid adeeg. Adeeygadaan waxaa ka mid ah meelaha sida makhaayadaha, dukaamada iyo suuqyada, hoteelada, isbitaalada, dhismooyinka lagu nasto iyo dugsiyada. Xeerku (the Code) wuxuu kaloo kaa badbaadiyaa takoorka iyo kadeedka marka aad saxiixdid heshiis ama aad xubin ka tahay ururka shaqaalaha, ururka tujaarada ama farsamada.
Kadeedka takoorka wuxuu dhici karaa marka qof meesha aad ka shaqeysid, meesha aad ku nooshahay ama aad ka qaadatid adeeg:
- ku kaco aflagaadada isirka ama “kaftan”
- kugu kajamo ama ku aflagadeeyo taasoo ugu wacan aqoonsiga isirkaaga
- uu kartoon ama sawiro ku soo daabaco goobta shaqada, dugsiga ama guriga, kuwasoo, isir ahaan, hoos u dhiga koox.
- kuu geysato aflagaado taasoo ugu wacan isirkaaga, midabkaaga, dhalashadaada, meesha asal ahaan aad ka timid, abtirsiinada, qabiilkaagii hore ama caqiidadaada.
Marmar kadeedka isirku si toos ah uma isticmaalo erayo ama falal la xariira isirkaaga. Waxay ku koobnaan kartaa in qofku uu si xaq darro ah kuu bartilmaameedsado si uu kuu liido taasoo ugu wacan noloshaadii hore.
Jawi sumeysan
Kadeedka isirku wuxuu waxyeelo darran, ama wuxuu sumeyn karaa meelaha aad ku nooshahay, ama aad ka qaadatid adeegyo. Xataa haddii kadeedku uusan si toos ah adiga kuugu soconin, wuxuu adiga iyo dadka kale weli ka sumayn karaa jawiga. Waxa adkaan karta wada noolaashaha iyo wada shaqaynta.
Sidee ayaad ku ogaan kartaa haddii jawigu sumaysan yahay? Hal xaalad waa in la fiiriyo waxyeelada faalooyinka darran iyo falalka. Tusaale ahaan, haddii qaar ka mid ah aflagaadada, falalka ama “kaftanka” aad dhibsatid marka aad ku sugan tahay goobta shaqada ama aad ka cabsatid in aad tagtid shaqada, tan waxay muujin kartaa in jawiga shaqadu u sumaysan yahay.
Maxaan samayn karaa?
Qofka kuu geysta kadeedku wuxuu noqon karaa:
- maamulahaaga ama shaqaalaha aad isla shaqaysaan
- nadiifiyaha, maamulaha dhismaha ama milkiilaha dhismaha
- macalinkaaga
- qof ku nool dhismhaaga.
Haddii ay kula tahay in lagu kadeeday, waxaad isku dayi kartaa in aad qofkaas u sheegtid in uu joojiyo. Waxaa dhici karta in aad dareentid in marka aad sidaas tiraahdid ama aad wax ka qabatid, in taasi halis geliso naftaada, shaqadaada ama gurigaaga. Haddii xaajadu sidaas tahay, u tag qof kale oo ka tirsan madaxda.
Haddii ay ka dhacdo shaqada, waxaad la hadli kartaa ilaha aadanaha, waxaad u sheegi kartaa maamulaha ama waxaad la xariiri kartaa wakiilka ururkaaga. Haddii ay ka dhacdo dhismahaaga, waxaad ogeysiin kartaa milkiilaha hantida.
Haddii talooyinkaan aysan hagaajinin xaaladdaada, ama haddii aad ka cabsatid in aad qaadid talabooyinkaan, waxaad kaloo ashtako rasmi ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha – laguna magacaabo arji – u soo gudbin kartaa Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario).
Mas’uul miyaan ka ahay in aan anigu joojiyo?
Waxaa dhici karto in aad u baahatid in aad qaadid talaabooyin si aad u hubsatid in qof madax ah uu ogaado in adiga lagu kadeedo – hase ahatee, adigu ma tihid qofka mas’uulka ka ah in aad joojisid.
Ontaariyo, loo-shaqeeyeyaasha, qandaraasleyaasha, ururada xirfadaha, ururada shaqaalaha iyo dadka kireeya guryaha iyo adeegyada kale, waa in ay hubsadaan in hantidooda aan lagu arkin kadeedka isirka, goobta shaqada, ama dhismooyinkooda. Ma inkiri karaan ashtakooyinka kadeedka, waana in ay qaadaan talaabooyin si loo hubsado in jawigoodu yahay ammaan una roon yahay qof kasta
Kadeedka isirku wuxuu u horseedi karaa dagaal
Badanaa, aamusnaanta meesha ma ka saarto kadeedka isirka, inta badan haddii aan waxba laga qabanin, xaajada waa sii cuslaataa. Haddii aad dareentid dhibaato ama handadaad, qof madax ah kala hadal (kormeere, milkiilaha dukaanka, iwm.)
Haddii dabeecadda kadeedku ku dareensiiso in aad halis ku jirtid ama kuu horseeddo dagaal, wac booliiska isla markiiba.
Aar gudashadu waxay ka soo horjeedaa sharciga
Xeerku (the Code) wuxuu kaloo kaa badbaadiyaa aar gudashada (ama ciqaabta). Tan macnaheedu waxay tahay in aad xaq u leedahay in aad soo qaadid arrimaha ama in aad ka ashtakootid takoorka isirka ama kadeedka adiga oo aan la kulmin dishibiliin (ama in laguugu handado) ama dabeecad kale oo darran. Waxaa lagu dabaqaa badbaadintaan haddii aad kor uga hadashid kadeedka ama takoorka goobta aad ka shaqeysid, gurigaaga ama adeegyada iyo marka aad soo gudbineysid ashtako rasmi ah sida marka aad arji u gudbineysid Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Tribunal).
Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah
Siyaasadda iyo Tilmaamaha ku saabsan Isir Raaca iyo Takoorka Isirka (Policy and Guidelines on Racism and Racial Discrimination) ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission) iyo daabacaadyo kale waxaa laga heli karaa www.ohrc.on.ca.
Si aad u soo gudbisid ashtako – laguna magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) taasoo laga helo:
Lacag La’aan: 1-866-598-0322
TTY Lacag La’aan: 1-866-607-1240
Bogga Internetka: www.hrto.ca
Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) lagana helo:
Lacag La’aan: 1-866-625-5179
TTY Lacag La’aan: 1-866-612-8627
Bogga Internetka: www.hrlsc.on.ca
