Skip to main content

Pregnancy and breastfeeding (brochure)

Maxay yahiin xuquuqdeyda marka aan ahay naag xaamilo ah?

Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code), loona yaqaan Xeerka  (the Code) wuxuu badbaadiya xuquuqda aadanaha iyo fursadaha, wuxuuna aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha qof kasta oo ku sugan Ontaariyo.  Xeerku (the Code) wuxuu ku tilmaamay sharci darro in qofka lagu takooro ama lagu kadeedo waxa uu yahay (dheddig/lab), sida xaamilonimada iyo nuujinta naaska.

Waxaa kaloo jirta badbaadinta ku saleysan xaaladda qoyska, marka xariirku uu ka dhexeeyo waalid iyo cunug.  Tan waxaa ka mid ah korsashada cunugga.  Waxay kaloo quseysaa aasaaska guurka.  Marmar aasaasyadaan, midba, wuxuu  gaar uga hadlaa aasaaska waxa uu yahay (dheddig/lab).

Waa sharci darro in la geysto takoor maxaa yeelay qofku waa xaamilo.  Waxaa kale oo sharci darro ah in la takooro maxaa yeelay qofka dumarka ahi waxay ahayd xaamilo, waxay dhashay cunug, ama waxay noqon kartaa xaamilo.

Waxaad xaq u leedahay in aad haysatid shaqadaada, kireysatid abarman, saxiixdid heshiis kiro ama heshiis kale, iyo in aad heshid adeegyo takoor la’aan maxaa yeelay waxaad tahay xaamilo.  Waxaad kaloo xaq u leedahay in aad xor ka ahaatid takoorka ku qarsoon nidaamka, kuwaasoo lala kulmo marka ficil ama siyaasadaha uu qof u maleeyo in ay yihiin dhexdhexaad, ay caqabad ku abuurto dumarka ah xaamilooyin, ahaa xaamilooyin, ama laga yaabo in ay xaamilooyin yahiin.   

Maxaa laga oran kara naas nuujinta?

Waxaad leedahay xuquuq marka aad tahay hooyo nuujisa naaska, sida xaqa loo leeyahay naas nuujinta cunugga marka lagu sugan yahay meel fagaare ah.  Qofna waa inuusan kaa hor istaagin in aad naas nuujisid cunugaaga maxaa yeelay waxaad ku sugan tahay meel fagaare ah.  Waa in aysan ku weydiinin in aad “is dabooshid,” in aan lagu labin, ama in aan lagaa codsanin in aad  tagtid meel kale oo “qarsoon”.

Xagee ayaa lagu dabaqaa xuquuqdeyda?

Laguguma takoori karo shaqadaada, laguguma takoori karo ururkaaga, haddii aad ka tirsan tahay mid.  Laguguma takoori karo marka aad isticmaashid adeegyada sida dugsiyada ama guriyeynta.  Milkiilaha hantidu kuuma diidi karo in uu guri ku siiyo maxaa yeelay waxaad noqon doontaa xaamilo, waxaad tahay xaamilo, ama haddii aad ahayd xaamilo aadna caruur leedahay iminka.  Tan waxaa ka mid noqon kara erayada sida sharicyada “dadka waweyn oo keliya” ee lagu arko qaar ka mid ah abarmanada iyo dhismooyinka.  Waxaad kaloo xaq u leedahay in dhamaan meelahaan lagu aqoonsado baahidaada la xariirta xaamilonimada, haddii aysan abuurin dhibaato aan loo baahneyn.

Maxay tahay xuquuqda aan ku leeyahay shaqada?

Marka lagu jiro wareysiga shaqada, waa sharci darro in loo-shaqeeyahu uu ku weydiiyo haddii aad:

  • tahay xaamilo
  • leedahay qoys
  • ku talo jirtid in aad yeelatid qoys.

Waxaa kaloo sharci darro ah in lagu ruqseeyo, hoos laguu dhigo ama lagaa fadhiisiyo shaqada maxaa yeelay waxaad ahayd xaamilo, waxaad tahay xaamilo ama waxaa dhici karta in aad xaamilo noqotid.  Waxaad leedahay xuquuq siman xagga fursadaha iyo horumarka, xataa haddii aad ku talo jirtid in aad xaamilo noqotid, aad tahay xaamilo, ama aad ahayd xaamilo.

Loo-shaqeeyahaagu waa in uu jawigaaga ka dhigo mid ka madax banaan takoor.  Waxaad xaq u leedahay in aad ka madax banaan tahay faallada aflagaadada loo-shaqeeyaha, shaqaalaha aad isla shaqeysiin iyo macaamiishu ka bixiyaan xaamilonimadaada.  Waxaad kaloo xaq u leedahay fududeynta baahida la xariirta xaamilonimada.  Tan waxaa ka mid noqon kara in lagu siiyo nasasho badan aad ku tagtid musqusha ama aad ku baddalatid inta aad ku sugan tahay shaqadaada adiga oo xaamilo ah.

Kaddib marka uu dhasho cunugaagu, loo-shaqeeyahaagu waa in uu fududeeyo baahida aad u qabtid naas nuujinta ama aad caano u listid cunugaaga.

Maxay tahay xuquuqda aan anigu ku leeyahay adeegyada?

Adeegyada waa in la bixiyo takoor la’aan.  Tan waxay khuseysaa meelaha sida:

  • Makhaayadaha iyo meelaha laga cabbo qaxwaha
  • dukaamada iyo suuqyada
  • dugsiyada
  • beeraha
  • gaadiidka dadweynaha.

Wada shaqeynta si loola kulmo baahida fududeynta:

Guriyeynta, adeegyada iyo shaqada waa in loo sameeyo si loogu daro dumarka xaamilada ah, ahaa xaamilo, ama laga yaabo in ay yahiin xaamilo.  Adiga iyo loo-shaqeeyahaaga, bixiyaha guryaha ama bixiyaha adeegyada waa in aad wada shaqeysiin si aad u heshaan waddo lagula kulmo baahidaas.  Haddii aad qabtid baahi caafimaad ama baahi kale oo khaas ah, waxaa ku saaran waajib in aad sharaxdid baahidaas.  Haddii loo baahdo, waxaa dhici karta in loo-shaqeeyahaaga ama bixiyaha guriyuhu in uu ku weydiiyo in aad keentid macluumaadka caafimaadkaaga, aad ku taageertid si loo fahmo waxa aad u baahan tahay iyo muddada aad u baahan tahay (hase ahatee, guud ahaan lagaama rabo in aad bixisid tafaasiil ku saabsan xaaladda caafimaadkaaga).

Maxaa laga oran karaa baahidayda khaaska ah?

Waxaad leedahay baahi khaas ah maxaa yeelay waxaad rabtaa in aad noqotid xaamilo, waxaad tahay xaamilo ama maxaa yeelay waxaad dhashay cunug goor dhaw.  Baahida khaaska ah waxay kaloo ka dhallan kartaa:

  • dhibaatooyin ka socda xaamilonimadaada ama dhallashada cunugga
  • dhiciska
  • rididda
  • daweynta bacriminta
  • muddo macquul ah oo laga bogsado dhallashada cunugga ama dhallashada cunugga ku dhintay caloosha hooyada
  • naas nuujinta cunugaaga
  • dhimashada

Sharci ahaan, shaqaalaha iyo bixiyeyaasha adeegga waxaa waajib ku ah in ay soo dhoweeyaan dumarka qaba baahida khaaska ah maxaa yeelay waa xaamilo.  Tan keliya ee ka reebban waa haddii fududeyntu keento dhibaato aan loo baahnayn.  Tan waa imtixaan sharci ah kaddibna loo-shaqeeyuhu wuxuu u baahan yahay in uu caddeeyo in soo dhoweeyntu ay aad qaali u tahay, ama in ay abuurto caafimaad darro iyo halis xagga ammaanka ah.

Sharciyada kale ee la xariira shaqada :

Sharciga Heerarka Shaqada 2000 (Employment Standards Act 2000) wuxuu badbaadiyaa xaq loo leeyahay xaamilonimada iyo fasaxa waalidka.  Laanta Heerarka Shaqada Wasaaradda Shaqada (Ministry of Labour’s Employment Standards Branch) lagana helo (1-800-531-5551) waxay ku siin kartaa macluumaad ku saabsan heerarka shaqada.

Ilaha Aadanaha iyo Horumarinta Xirfadaha ee Kanada (Human Resources and Skills Development Canada) (1-800-206-7218) ee dawladda federaalku waxay ku siin kartaa macluumaad ku saabsan manaafacaadka shaqada inta lagu jiro hooyonimada iyo fasaxa waalidka.

Si aad u heshid macluumaad badan:

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission), Siyaasadda Takoorka ugu Wacan Xaamilonimada iyo Naas Nuujinta (Policy on Discrimination Because of Pregnancy and Breastfeeding) iyo daabacaadyo kale waxaa laga heli karaa www.ohrc.on.ca.

Si loo gudbiyo ashtakada xuquuqda aadanaha – taasoo lagu magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) lagana helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-598-0322
TTY lacag la’aan: 1-866-607-1240
Bogga internetka: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Taageerada xagga Sharciyada (Human Rights Legal Support Centre) ee laga helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-625-5179
TTY lacag la’aan: 1-866-612-8627
Bogga internetka: www.hrlsc.on.ca

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-8610-8 | HTML: 978-1-4435-8611-5 | PDF: 978-1-4435-8612-2
Attachments

File name File size Actions
Pregnancy and breastfeeding_Somali_accessible.pdf 254.91 KB Download
Attachments