Skip to main content

Human rights for tenants (brochure)

Hooygu waa Xag baniaadmi

Xeerka caalamiga ahi waxa oo leeyahay dadka Canada joogaa waa in aay karikaraan in aay helaan gurio aay awoodi karaan. Si arintaa Ontario loga hirgaliyo, Iijartayaasha iyo kowa guria leh ba (ama gurio bixiyayaasha) waxa aay leeyahiin xuquuq iyo xilal hoos yimaada Xeerka Xuquuqda Baniaadmiga.

Iijarti ahaan, xaq waxad u leedahay macaamilo sinaan ku dhisan oo ku saabsan guri helida aanay ku ladhnayn takoorid iyo hagardaamo.

Guri laguuma diidi karo, guri bixiyaha iyo iijartayaal kaliba kuma dhibi karaan, si cadaalid daro ahna lagulama dhaqmi karo iyada oo sababu tahay:

  • qorontaada, midabkaaqa ama cidaada
  • diintaada ama ku dhaqankeeda
  • abtirsinada, oo aay ku jirto ta dadka asal ahaan u dhashay dhulka halka aad kasoo taftiirantay
  • meesha aad kow ka timid
  • jinsiyada aad haysatu ama sharcigaaga oo aay kujirto qaxootinimadu
  • sex-kaaga - nin-nimadaada ama domarnimadaada -(oo aay ku jirto uur hadii ad leedahay iyo hawayadaada nin-nimo ama domarnimo)
  • qoyskaaga maqaamkiisa
  • maqaamka guurka (oo aay ku jiran dadka is qaba ee isku sex-ka ah)
  • laxaad dhinaan
  • dhinica aad sex ahaan aad u janjeedho
  • da’da oo aay ku jiraan dadka 16 ama 17 jirka ah ee aan la daganayn waalidkood
  • kaalmada dadwaynaha/shabta hadii aad qaadato 

Adigu magangalyo baad qabta hadii aad la kulanto takoorid oo ay sababtu tahay in aad la tahay saaxiib ama ahal qof ka mid ah kuwaa dul ku xusan.

Halkee baa lagu fuliyaa xuquuqda saamaysa hooyga?

Xeerku fulintiisu waxa aay ku fool leedahay qayb kasta oo ka mid ah iibsadka ama ijaarsadka guryaha. Marka la iijaaranayo meel lagu nuulado ayaa oo xeerku wax saameeya:

  • dalba’shada meel aad iijaarato
  • sharciyada ku saabsan dagaanka
  • ka’bid-da iyo xanaanada
  • ku adeegsiga la xidhiidha khidmada iyo qalabka
  • ku raaxaysadka meesha aad iijaaratay
  • ka saarida

Doorashada iijaartiyaasha

Xeerku waxa uu muujinayaa su’aalaha uu guriluhu waydiinkaro dagaanka:

  • Taariikhda ku saabsan kiro bixinta, markhaati amaahayd iyo /ama baadhista  xug amaahaydka iijaartaha
  • La’aanta war kusabsaan taariikhda  kiro bixinta ama amaha waa in aan lagugu dhibaatayn
  • Gurilo wuu ku waydiin kara dakhligaaga, hase ahaatee isla marka waa in aay warka ku sabsan taarikhda kiro bixintaada, markhati amahaydkaga iyo xug amahaydkaaga ka eegaan (Equifax Canada) iyo wixi la mid ah.
  • Dakhliga oo qudha waxa la fiirin kara marka warkale aan lahaynin si laguu hubsado inaad shaqaysato lacag ku fililan iijaarkaaga.
  • Adiga oo dalbanaaya guri dowlado kiradis kabto mooyee, waa sharci daro inaa uu gurile iskugu xidho qaybta kirada u goaysa ee dakhligaaga (taa micniheedu wuxuu yahay in la ogolyahay oo qudha qofka kiradiisu ka yartahay 30% waxa soo gala)
  • Gurilo waxa uu ka codsankaraa “damiin” (cid balan ka qaada in aay iijaarka bixiso hadii aad adigu kari waydo) saxeexa heshiiska, hadii iijaarte walba sidaas oo kale laga rabo.

Hadii aad u baahantahay hooy uu galo qof lixaadla ama baahi gaar a qaba

Marka aad qabto baahiyo growshi mudan, kuna salisan xeerka (sida lixaadla’aanta, ama xaalada qoyska), gurilayaasha waxaa saran waajib sharci ah in aay ku siiyaan hooy sii aay kaga haqabtiraan baahida gaarka ah ee aad qabtid. Waa in aay wax qabtaan ila xad lagaga gudbi karo dhibaato aan daruuri ahayn oo ku salaysan kharashka baxaya, kaalmo lacageed oo ka timaada cid kale, warwar dhinaca caafimaadka iyo nabadgalyada

Adiga iyo gurilahaaga waxa idinka dhaxaysa masuuliyad si aad hooyga uga dhigtaan meel lagu noolaan karo. Waa inaad wada shaqaysaan idinka oo isku dayaaya inaad waxi dhibaato ah aad xalisaan aanad siisaa gurila waxi war ah ee oo u baahnyahay si oo waxi wax qabad ah uu u sameeyo. Gurilo waa in oo xafida waxi war ah ee ku sabsan caafimaadkaga ama warkaga shakhsiga ah ee aad siisay.

Hadii laxaadkaagu kala dhantaalanyahay, mathalan, waxa laga yaaba in oo gurilo u baahdo in oo wax ka badalo xubnaha gorigu ka koobanyahay, daarta, widiiqooyinka dhinacyada dhinac mara, ama halka baabuurada la dhigo si oo adiga wax kula qabto.

Iijaartayaasha qaarkood baa u baahan in wax laga dooriyo amarada iyo howlqabadka si wax looga qabto droofta is badalaysa ee qoysaska iyo ku dhaqanka diinta. Mararka qaarkood dagaankai aan caafimad qabin ama dadka kale kuwa khashkhashaada (iyada oo sababtu tahay kala dhantalnaan ama takorid dadkaa laftooda haysata) ayaa laga yaaba in aay taakulo u baahanyihiin. Gurilayaashu waa in aay miisaamaan waxa aay qaban karaan si aay oo eegaan in ay wax ka qaban karan droofta.

Gurilayaashu waa in uu kula shaqeeyaa sii oo u xilo una hirgaliyo wax tarka ugu    haboon waqtiga ugu dhaqso badab.

Marka aay bahidaado saamayso kuwo kale

Mararka qaarkood ayaa aay bahidaado laga yaaba in aay saamayso kuwo kale. Gurilayaasha iyo guryo bixiyayaashu wa in aay isku miisaamaan aanay maamulaan tabashooyenka  oo dhan. Xitaa hadi aay dabeecada iijaarte gaar ah aay hadimo tahay (mathalan, qaylo ku lug leh caroor u ilaalintoodu hoos imanayso xaalada qoyska), waxa laga filaya gurila in oo talaabooyen qaato si oo drooftaa oo u xalilanto.

Goorma ayaa aan Xeerku aano hirgalayn

Xeerku hirgali maayo hadi aay wax idinka dhixeeyaan  gurila ama iijaarti kali aan ku xidhiidhsanayn xeerka. Isla markaa qudhadeeda, xeerku socon maayo hadii aad musqul ama madbakh idinka dhexeeyo adiga iyo gurile ama qoyska gurilaha.

War dheeraad ah

War dheeraad ah oo ku saabsan gurilaha iyo iijartaha xuquuqdooda iyo masuuliyaadkooga dhinaca guri iijaarida akhriso Ururka Xuquuqda Baniaadmiga ee Ontario (Human Rights Commission) qoraalkeeda ku magacaaban Siyaasada ku tacaloqda Xuquuqda biniaadmig iyo Guryaha kirada ah (Policy on Human Rights and Rental Housing). Siyaasada iyo warar kali uu ku saabssan OHRC waxa laga helaya: www.ohrc.on.ca

Si aad xuquuqda biniaadmiga ashkato salaysan aad u dhiibto

Si aad u diwaan galiso ashkato ku saabsan (waxaa lagu magacaaba Codsi), la xidhiidh Maxkamada Xuquuqda Baniaadmiga ee Ontario (Human Rights Tribunal of Ontario) Halkan:

Telifoonka bilaashka ah: 1-866-598-0322
TTY: 416-326-2027 ama Telifoonka bilaashka ah: 1-866-607-1240
Websitk: www.hrto.ca

Si aad uga hadasho xuquuqdaada ama hadii aad u baahantahay taakulo ku lug leh xuquuqda baniaadmiga ashkato ku saabsan kala xidhiidh Taageerayaasha xuquuqda baniaadmiga xuruntooda (Human Rights Legal Support Centre) halkan :

Telefoonka bilaashka ah: 1-866-625-5179
TTY: 416-314-6651 ama Telefoonka bilaashka ah: 1-866-612-8627
Websitk: www.hrlsc.on.ca

War siyaado ah oo ku saabsan xuquuqda baniaadmiga dhinaca guri kiraysiga ah, eeg Ururka Xuquuqda baniaadmiga  (Human Rights Commission) websitkood ah: www.onhrc.on.ca

 

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-7466-2 | HTML: 978-1-4435-7467-9 | PDF: 978-1-4435-7468-6
Attachments

File name File size Actions
Human rights for TENANTS_Somali_accessible.pdf 404.16 KB Download
Attachments