Skip to main content

Human rights in housing: an overview for landlords (brochure)

Hoyga waa xuquuq qofka uu leeyahay

Sharciga caalamiga ah wuxuu leeyahay dadka Kanada ku nool waa in ay helaan guri wanaagsan.oo ay kari karaan kiradiisa. Si arrintaasi looga hirgeliyo gobolka Ontario, kireystayaasha iyo milkiilayaasha (ama haya’daha guryaha bixiya) waxay leeyihiin  xaq waxaana saaran xil lagu qeexay sharciga Xuquuqda Aadanaha.

Sharcigaan wuxuu sheegayaa, in qof kasta uu xaq u leeyahay in loola dhaqmo si xaq ah iyo sinaan marka uu doonto guri iyadoo aan la midab takoorin ama la cadaadinin. Haddii aad milkiile tahay, waxaa  ku saaran xil ah in aad xaqiijisid in guryaha aad ka shaqeeysid ay ka madax banaan yihiin takoorid iyo cadaadin.

Qofna looma diidi karo guri uu kireysto , milkiilaha ama kireystayaasha kalena ma arbushi karaan ruuxaasi,ama si kale haddii loo dhigo sixun loolama dhaqmi karo ayadoo loo fiirinaayo:

  • jinsiyad, midab. ama qofka halka uu asalkiisa ka soo jeedo
  • diinta uu qofka aaminsanyahay ama uu raacdo
  • faraciisa, ayadoo ay ku jiraan dadka asaliga ah      
  • wadanka uu  ka yimid asalka qofka
  • sharciga dal ku jooga uu qofka haysto, sida sharciga qaxootiga
  • lab ama dheddig (ayadoo ay ku jiraan kuwa xaamilada ah iyo suuradda uu u egyahay)
  • xaaladdiisa qoysnimo
  • xaaladda guur oo uu qofka ku jiro, taasi waxaa ka mid noqan kara dadka is qaba ee isku jinsiga ah ama waalidka isku jinsiga ah.  
  • dadka Naafada ah
  • habka uu qofka u galmooda
  • da’da, oo ay ka mid yihiin dadka da’dooda u dhexeeyso 16 ama 17 sano ama ka weyn oo aan la nooleyn waalidkooda
  • dadka qaata taakuleynta lacagta dowladda.

Sidaas oo kale waa in la daryeelaa dadka kale ee la takoora ayadoo loo aaneynaayo in ay saaxiib la yihiin, ama ay qaraabo la yihiin dadka aan kor ku soo xusnay. 

Goormee la dhaqan geliyaa xuquuqdan guryaha ku aadan?

Xuquuqdan sinaanta ah ee aan takoor laheeyn waxaa la dhaqan gelin karaa marka guri aad ijaaraneysid ama aad gadaneysid (tusaale, guryaha dabaqyada ah, Iskaashatada co-op ama  guri aan dabaq ahayn).  Xuquuqdan waxaa kaloo la dhaqan geliyaa marka milkiiluhu uu dooranaayo ijaartaha, ama uu guriga ka saaraayo ijaarte, marka la fulinaayo sharciga deggenaashaha, dayactirka, isticmaalka arrimo khuseeya guriga iyo isticmaalka waxyaabo kale oo arrimahaas la xiriira, iyo ku raaxeeysiga guud ee guryaha.

Madaama aad tahay milkiille am guri bixiye, waxaad ka mid tahay dadka laga rabo in ay sugaan xuquuqda aadanaha ee ijaartaha. Xeer ilaaliyeyaasha dowladda, kuwa sameeya xeerka iyo shuruucda, dadka qorshaha sameeya iyo borogaraamyada, dacwooyinka kuwa dhageysto iyo shaqaalaha maxkamadaha waa in ayaguna ay sugaan in wax qabadkooda, wax qorsheyntooda iyo go’aanadooda ay ky saleeyaan ilaalinta ku xadgudubyada iyo takooridda ku aadan guriyeeynta.

Doorashada Ijaartayaasha

Sharcigu wuxuu qeexayaa dhaqamada la ogolyahay in lagu heshiiyo iyo xogta aad weydiin kartid qofka marka aad kala dooraneysid ijaartayaasha.

  • Waa la weydiin karaa xogta taariikhda ijaarka uu qofka soo maray, haddii uu magac wanaagsan uu qofka ku leeyahay mujtamaca, deymaha iyo bixinta lacagaha lagu yeeshay. Ma ahan in six un loo arko  haddii qofka uusan horey wax u ijaaran ama uusan laheyn tixraac kale. 
  • Waxaad weyddiisan kartaa xogta dakhligiisa ama lacagaha soo gala bilwalba, Hase yeeshe waxaad kalood weyddiin kartaa ama u tixgelin kartaa xog kasta oo taasi raaci karta sida xog kasta uu qofka heysto oo la xiriira ijaar, magic wanaag uu ku leeyahay sida uu deynka iskaga gudo, ama in aad heshid xog ku saabsan hubin bixinta deynka uu  qaatay qofka (sida ado ka helikara sida  “ Equifax Canada” ).
  • Tixraac kale haddii aysan jirin waa in la tixgeliyaa qofka dhakhligiisa oo keliah. 
  • Xogta dhakhliga waxaad u isticmaali kartaa oo keli ahin aad hubsato ruuxa dhakhligiisa ma ku filan yahay ijaarka.  Marka laga reebo guryaha dowladda oo ijaarka yar lagu galo, waxaa sharcigu diidayaa in ijaarka iyo dakhliga leysku xiro oo la fuliyo ijaar-ku –xiran dhakhli oo loo qoon deeyaya ugu badnaan boqolkiiba soddon (30%) sharci ahaan.

Waxaad weydiisan kartaa “damiin”  oo qofka la saxiixo heshiiska ijaarka (Liiska guriga) - taasina waxay ku xiran tahay haddii aad sidaas kula dhaqmeysid qof kasta oo guri kaa ijaaranayaa  ee aadan u kala eexaneynin, qaasatan kuwa Sharciga uu kor ku xusay, waxaa ka mid ah dadka soo galootiga ah iyo dadka .

In la tixgeliyo baahida ijaartaha

Waxaa kaa saran waajib sharci ah in aad qancisid ijaartaha ( u sameey waxyaabo gaar ah oo ay u baahanyihiin) haddii ay qabaan baahi gaar ah, oo sharciga u fasaxaaya. Waa in aad qofka soo dhoweysid ilaa iyo inta karaankaada ah ee ah qiimaha ijaarka, tixgelinta helidda qarash laga heli karo meelo  kale, ama tixgelinta caafimaadkiisa iyo badbaadadiisa. 

Tusaale,qof ijaarte ah oo ah naafo, waxaa loo baahanyahay in wax laga beddelo guriga ama dhismaha irridiisa, jidka yar ee socotada ama garaashka gawaarida la dhigto. 

Ijaartayaasha qaar waxay u baahanyihiin in wax laga beddelo shuruucda iyo hab dhaqanka ba si loo tixgeliyo qoyska  xaaladahooda ku dhacay isbeddel  ama ay qabaan baahi ku saabsan diin iyo cibaado.    Mararka qaar qof ijaarte ah oo aan caafimaad qabin  ama aan dadka la qabsan karin ayaa jiri kara ( waxaa laga yaabaa in cilladaasi ama naafa nimaddasi ay qofkaasi u keento in ay dadka kale takooro) waxaa laga yaabo in uu ijaartahaas uu u baahanyahay in la taakuleeyo.  Waa in aad qiyaastid xaalada ee aad eegtid kaalinta aad ka gali kartid iyo waxa aad ka sameeyn kartid xaaladda.

Adiga iyo ijaarta yaasha guriga waa in aad qeybsataan mas’uuliyadda si aad u wada suura gelisaan arrintiina ay u meel marto.  Waa in aad adiga la shaqeeysaa ijaartaha qaadatana kaalin fir-fircoon ulana shaqeeysaa si hufnaan ku jirto si aad u wada heshaan xalka ugu haboon ee lagu xallin lahaa baahidaas.  Haddii uu ijaarataha kuula yimaaddo arrimo caafimaad ku saabsan ama waxyaabo kale oo khas u ah asaga waa in aad xafidaa sirtiis. 

Milkiilahu waa in uu la shaqeeyaa ijaartaha si ay isula meel dhigaan xaaladda ugu fiican ee uu ku qancaayo ijaartaha. Haddii ay kugu adkaato arrinta uu ijaartaha rabo ama culeys kugu noqoto, ama ay qaadaneyso waqti dheer si loo fuliyo, waa in aad la timaadid wax beddela inta laga helaayo xal fiican ama aad keentid “ wax lagu beddeli karo ee wanaagsan “ oo aad sameyn kartid.

Borogaraamyada gaarka ah iyo xaaladaha Guriyenta

Marka la eego sharciga,borogaraamyo gaar ah waa la oggol yahay si loo caawiyo koox danyar ah ayadoo laga eegaayo sharciga kor ku xusan, haddii ay borogaraamyadaan waafaqsanyihiin qodobadda sharciga guryaha.  Waxaa ka mid ah tusaale ahaan marka la sameeynaayo naqshada guri oo loogu tala galay dadka waayeelka ah, dadka naafada ah ama naqshadaha guryaha loogu tala galay ardayda jaamacadaha ee qoyska ah.

Goormaa sharcigu aan la isticmaaleynin

Sharcigan lama dhaqan gelin karo marka ay ka dhaxeeyso milkiilaha iyo ijaartaha “ is afgradwaa shakhsi ah” ama ijaarte kale oo xaaladdisa aysan ku shaqo laheen sharciga quryaha ama haddii uu ijaartaha la wadaago jikada am musqusha milkiilaha ama qoyska milkiilaha. 

Waad horumarin kartaa xuquuqda aadanaha ee guriyeynta

Dadka ku howlan bixinta guryaha waxay qaadi karaan talaabo dhowr ah oo looga hortagi karo takooridda iyo handadaada waxayna wax weyn ka geysan karaan horumarinta xuquuqda aadanaha ee khuseeya ijaarashada guryaha iyagoo curiya:

  • sharciyada ka hortagga arrimaha takoorka iyo handadaada
  • sorsho looga baaraan degaayo ama lagu qaadacaayo caqabadooyinka
  • sab lagu xaliyo sidii wax looga qaban lahaa codsiyada
  • sab suuban oo si deg-deg ah loogu xaliyo khilaafaadka
  • sorogaraamyo  waxbarasho iyo tababarro.

Waa muhiim in la hubiyo in shuruucda iyo xeerarka ururka, xeer hoosaadka, hab dhaqanka, habka loo gaaro go’aanada, iyo dhaqanka aysan ku noqonin caqabado, iyo in aysan dhalinin takoorid.  Meelaha lagala kulmi karo caqabadaha waxay noqon karaan liiska suggidda guryaha “wait-list” iyo waxyaabaha ansaxiya in aad u qalantid helidda guryaha,  xeerka martigelinta, iyo inta qolol ee aad xaq u yeelan kartid in aad heshid,

La soco qodobadan muhiimka ah oo xaqiijinaaya xuquuqda aadanaha:

  • ku talagal qorsho dadka iyo baahidooda wada koobaaya – taasoo micnaheedu yahay in aad ka sii fakartid waxaa ay dadka u baahan karaan in ay kaa helaan, inta aadan galin dhismaha gurigaada, soo saar sharciyada aad dooneysid in lagu wada dhaqmo iwm, si uusan guriyeeyntaada aysan u dhalin caqabad cusub. 
  • sqoonso haddana baabi’ wixii caqabad ah ee hadda jira
  • kordhi isdhexgalka-  kaasoo lola jeedo – in aad sameysid borogaraamyo guryaha dhexdooda ah kuwaas oo dadka idil isku keena, oo uu qof kasta ka qeyb qaadan karo. 
  • eeg baahida qof ahaaneeyd, iskuna day in aad u heshid xalka ugu wanaagsan

Si macluumaad intaa dheer aad u heshid oo ku saabsan xuquuqda milkiilaha iyo ijaartaha iyo xilka saaran si ay guryaha u ijaartaan, ka eeg Xeerka Guddiga Ontario ee Xuquuqda Aadanaha oo la yiraahdo Policy on Human Rights and Rental Housing). Xeerkani iyo kuwa kale ee ay leedahay Ontario “OHRC”  waxaad ka heleysaa macluumaad ku yaala shabakada internetka oo laga helo : www.ohrc.on.ca

 

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-7505-8 | HTML: 978-1-4435-7506-5 | PDF: 978-1-4435-7507-2
Attachments