Skip to main content

Human rights and family status (brochure)

Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Ontaariyo (Ontario’s Human Rights Code)

Xeerka Xuquuqada Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerka (the Code) wuxuu badbaadiyaa xuquuqda iyo fursadaha siman, iyo ka-madax bannaanida takoorka ku salysan aasaasyo kala duwan.  Xeerku (the Code) wuxuu aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha qof kasta oo ku sugan Ontaariyo xagga heshiisyada, iyo xubin ka-noqashada ururada, ururada tujaarada ama farsamda..shaqada, guryaha, fududeynta iyo adeegyada,

Xeerku (the Code) wuxuu kaa badbaadiyaa takoorka meelahaan kuna saleysan xaaladda qoyskaada.

Maxay tahay xaaladda qoysku?

Xeerka (the Code) wuxuu “xaaladda qoyska” ku sifeyaa in ay tahay “ahaanshada xariiraka waalidka iyo cunugga.”  Tan macnaheedu wuxuu kaloo noqon karaa “nooca” xariirka ka dhexeeya waalidka iyo cunugga, taasoo laga yaabo in aysan ku salaysnayn xariirka laxmiga ama xariirka korsashada, balse ku saleysan xanaano, mas’uuliyad iyo ballan qaad.  Tusalooyinka waxaa ka mid ah waalidiinta xanaaneeya caruurta (ha ahaato korsashada, haynta, iyo waalidnimada adeerka ama eedada, dadka xanaanada siiya waalidiinta da’doodu weyntahay ama qaraabada itaalka darran, iyo qoysaska ay madaxda ka yahiin dumarka haweysta dumarka kale (lesbian), farxaanka (gay), ninow naageedka (bisexual) ama dadka isu dhaafan (transgender).

Ka hortagga takoorka:

Tallaabada kowaad oo looga hortago takoorka, loo-shaqeeyaha, bixiyeyaasha adeegga, milkiileyaasha hantida iyo dadweynahu waxay u baahan yahiin in ay aqoonsadaan arrimaha xuquuqda aadanaha kuna saleysan xaaladda qoyska.  Haddii aan la aqoonsanin baahidooda ama aan la taageerin, bixiyeyaasha xanaanada qoyska waxay badanaa la kulmaan caqabado iska hortaaga helitaanka guryaha, shaqooyinka iyo adeegyada. 

Tan waxay khaas ahaan saameysaa dumarka inta badan bixiya xanaanada bulshadeena, iyo qoysaska dakhligoodu yar yahay, kuwasoo laga yaabo in aysan qabin shaqooyin sugan iyo dhibaato ay kala kulma helitaanka adeegyada xanaano la awoodo ama guriyeynta.

Waqti nolosheenna ka mida ah, inteenna badani waxaynnu u baahan doonna inaynnu bixinno xannaano ama la ina xannaaneeyo, waxaynuna u baahan doonnaa in la aqoonsado xuquuqda xaaladda qoyskeenna.

Bixiyeyaasha xannaanada qoyska waxaa kaloo laga badbaadiyay takoorka iyo kadeedka la xariira maadooyinka kale uu Xeerku (the Code) ka hadlo, sida itaali darrida, xaaladda guurka, waxa uu yahay, (xaamilonimada, nuujinta naaska, aqoonsiga labka iyo dhedigga), dareenka uu isk aaminsanyahay, isirka, midabka, abtirsiinada, diinta, da’da iyo qaadashada gargaarka bulshada (xagga guriyeynta).  Waa jirtaa badbaadintaan xataa haddii bixiyaha xanaanadu uu xariir la leeyahay qof lagu aqoonsado mid ka mid ah maadooyinkaan.

Tusaale waxaa noqon kara nin la nool, oo xannaano siiya qof qaraabo la ah oo qaba itaal darri la xariirta dhaqdhaqaaqa.  Waxaa soo celiyay milkiilaha hantida kaasoo cabsi ka qaba in uu codsado kor u kicinta la xariirta gelitaanka abaarmanka.  Ninka wuxuu ka ashtakooday takoor ku saleysan xariirka uu la leeyahay qof itaal darran.  Tusaalooyin kale oo ku saabsan dadka laga yaabo in ay la kulmaan arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwa ku saleysan xaaladda qoyska (iyo maadooyin kale) waxay yahiin:    

  • Hooyada aan heli karin guriyeyn maxaa yeelay milkiilaha hantida ayaan rabin in uu ka kireeyo dumarka wata caruurta
  • Waalidka cunug qaba itaal darri oo lumiya shaqadiisa maxaa yeelay maamulehiisa ayaan siin doonin jadwal dabacsan xagga shaqada si uu cunuggiisa u geeyo ballamada caafimaadka saacadaha shaqada
  • Naag loo diiday in loo kordhiyo darajada maxaa yeelay maamuleheedu wuxuu aaminsan yahay in hooyooinka aysan dhab ka ahayn shaqadu
  • Cunug waalidiintiisu qeybsadaan hayntiisa, kaasoo u baahan in loo dabciyo adeegga baska dugsiga
  • Qoys ballaaran oo soo haajiray kaddibna dhibaatooyin kala kulma guriyeynta taasoo ku saleysan tirada dadka ka tirsan reerka
  • Qoys loo diiday guriyeynta maxaa yeelay waa dad dhalin yaro ah oo qaata kaalmada bulshada
  • Bixiyaha xanaanada oo ah faraxsane (gay) ama dumarka hawesyta dumarka kale (lesbian) loona diido xaqa ay u leeyahiin in ay soo booqdaan cunugga qofka ay saaxiibka la yahiin ama waalidka ku jira isbitaalka, ama u baahan in shaqada laga siiyo fasaxa maqnaashada si uu xanaano u siiyo qofkaas.

Shaqada iyo xaaladda qoyska:

Dadka ku jira xariirka nooca waalidka-cunugga waxay xaq u leeyahiin in loola dhaqmo sinaan marka ay ku sugan yahiin goobta shaqada.  Loo-shaqeeyayaashu ma sameeyn karaan takoor xagga shaqaleynta ah, kor u kicinta darajada, tababarka, manaafacaadka, xaaladaha goobta shaqada ama ka-joojinta shaqada maxaa yeelay qofku wuxuu xannaano siiyaa xubin ka tirsan qoyska 

Waxaa dhici karta in dadka xannaanada siiya qoyska loo arko in ay yahiin dad aan karti lahayn, aysan dhab ka ahayn ama aan dadaalin marka la barbar dhigo dadka kale – taasoo badanaa ugu wacan fikradaha laga qabo qofku waxa u yahay, nin ama naag – waxaana dhici karta in la dhaafsiiyo horumarinta, fursadaha tababarka iyo aqoonsiga.  Goobaha shaqada, siyaasadaha, hababka ama dhaqanka ka reebban ama ka hor yimadaan dadka xambaarsan mas’uuliyadda bixinta xanaanada, sharci ahaan loo-shaqeeyeyaasha waxaa waajib ku ah in ay ku fakaraan isbaddal si ay ula kulmaan baahidaan.  Tan waxaa lagu magacaabaa waajibka ka saaran fududeynta.

Tusalooyinka qaar ee ku saabsan fududeynta waa:

  • Bixinta jadwal dabacsan
  • In shaqaalaha loo ogolaada in ay qaataan fasaxa maqnaashada si ay xanaano u siiyaan xubnaha qoyska ee da’da weyn, xanuunsan ama qaba itaal darri
  • In la ogolaado qorshooyinka kale oo lagu shaqeeyo

Abuurista goob shaqo dabacsan oo u furan dhammaan dadka waxay fa’iido u tahay dhammaan shaqaalaha, waxayna loo-shaqeeyaha ku kaalmeysaa in uu shaqaale qorto, xajisto iyo in uu shaqaalaha ka helo shaqada ugu wanaagsan ee suurtogalka ah.

Guriyeynta iyo xaaladda qoyska;

Xeerku (the Code) wuxuu mamuucay takoorka ka soo horjeedo qoysaska qaba caruurta ama dadka ku jira xariir kale xagga bixinta xannaanada.  Tan waxaa lagu dabaqaa kireynta, ka saaridda, sharciyada iyo qaanuunka dhismaha, dayactirka, iyo isticmaalka adeegyada iyo dhismooyinka.

Milkiileyaasha hantidu ma diidi karaan ama niyad jab kuma sameyn karaan arjiyada ay soo gudbiyaan qoysaska haysta caruur maxaa yeelay waxay aaminsan yahiin in caruurtu qeylo badan tahay ama burbur u geystaan hantida, tusaale ahaan marka ay isticmaalaan erayada sida “dhismo aamusan,” “qeylada celinin” ama “nolosha dadka waaweyn.”  Bacdamaa waalidka laga filaayo in ay maamulaan qeylada caruurtooda iyo in ay ahadaan deris wanaagsan, lama kadeedi karo qoysaska ama lama saari karo taasoo ugu wacan qeylada caadiga ah ay caruurtu sameyso.  Siyaasadaha kale ee ku saabsan kirada ee caqabad ku ah qoysaska haysta caruurta, lana reebay, sida hoos timaado Xeerka (the Code), waxaa ka mid ah:

  • Go’aan keli ahaan loo gaaray sida inta caruur ku noolaan karta guriga
  • Siyaasado aan qoysaska u ogoleyn in ay ku wareegaan abarmanada kale haddii baahidooda isbaddasho
  • Xayiraad lagu soo rogo caruurta in aysan gelin meelaha lagu nasto ama meelaha dadka ka dhexeeya.

Milkiileyaasha hantida iyo dadka kale ee guriga daggan waa in aysan takoorin qofka guriga daggan (ama qofka soo dalbada in uu kireysto) maxaa yeelay waxay bixiyaan ama waxay qaataan xanaano.  Waalidka shaqeeyo waqtiga qaar, waalidka keligii ah, hooyada xaamilada ah, qoysaska qaata kaalmada bulshada iyo qoysaska itaalka darran, kuwa da’doodu soo badato, dumarka haweysta dumarka kale (lesbiyan), farxaanka (gay) ama xubnaha lagu sifeeyo isirkooda waxay xaq u leeyahiin in si siman loo siiyo fursadaha guriyeynta iyo raaxada.

Milkiileyaasha hantidu waa:

  • In ay si xaq ah u doortaan kireystaha
  • In ay taageeraan baahida ay gurayaha u qabaan dhamaan noocyada qoysaska iyo xariirka bixiyeyaasha xanaanada
  • In ay meesha ka saaraan caqabadaha
  • In ay si firfircoon u hubsadaan in aan la kadeedin dadka kireysta

Waxaa dhici karta in siyaasadaha iyo dhismooyinka iyo nidaamyadu u baahan yahiin casriyeyn si loola kulmo baahida iyo si loo taageero xuquuqda aadanaha.

Adeegyada iyo xaaladda qoyska:

Shakhsiyaadku waxay ka hortaggi karaan caqabadaha iyo takoorka taasoo ugu wacan xaaladda qoyskooda marka ay isticmaalaan adeegyada iyo dhismooyinka.  Bixiyeyaasha adeeggu waxay u baahan yahiin in ay aqoonsadaan iyo in ay fududeyaan baahida gaarka ah ay qabaan bixiyeyaasha xanaanada iyo qoysaskooda.  Tan waxaa lagu dabaqaa qeybaha sida makhaayadaha, dukaamada, hoteelada iyo masraxyada filimka.  Tan waxaa kaloo lagu dabaqaa dugsiyada, gaadiidka, meelaha lagu nasto, adeegyada bulshada, iyo adeegyada kale.

Tusalooyin ku saabsan fududeynta xaaladda qoyska waxaa ka mid ah:

  • Dhismooyinka u roon cunugga iyo gaariga cunugga
  • Balliga lagu dabaasho iyo jadwalada kale ee lagu nasto sida ku saleysan ujeedada, balse aan ku saleysneyn da’da
  • Siyaasadaha gelitaanka makhaayadda
  • Barnaamijyo dabacsan xagga shahaadada jaamacadda ardayga
  • Sharciyo khuseeya dhammaan xagga booqashooyinka isbitaalka

Waxaa la ogol yahay barnaamijyada khaaska ah ee loogu talogalay dadka kuwasoo ku saleysan xaaladooda qoyska haddii loo sameeyay in laga qaado dhibaatada ama lagu hormariyo fursadda siman.

Waajibka fududeynta:

Sida hoos timaado Xeerka (the Code), loo shaqeeyaha, ururada, milkiilaha hantida iyo bixiyeyaasha adeegga, sharci ahaan, waxaa dhamaan waajib ka saaranyahay in ay fududeyaan sida ku saleysan xaaladda qoyska qofka.  Ujeedadu waxay tahay in shaqaalaha, kireystaha, macaamiisha iyo rukunka loo ogolaado in ay manafacaad iyo ka-qeybgal ka helaan goobta shaqada, guriyeynta, dhismooyinka iyo adeegyada, taasna in asyan keenin dhibaato aan loo baahneyn.  Sharci ahaan, tan waa imtixaanka waxaana loo baahan yahay in loo-shaqeeyaha, ururka, milkiilaha hantida ama bixiyaha xanaanada in ay caddeyaan in fududeynta ay tahay qaali ama in ay abuureyso halis caafimaad iyo ammaan darro.

Fududeyntu waa mas’uuliyad la wadaago.  Qof kasta oo ku lug leh waa in uu qaybiyo macluumaadka muhiimka ah iyo in uu dadka kale la raadiyo xalka.  Ma jirto qaacido dagsan.  Fududeyntu waxay fa’iido u noqon kartaa dad badan, hase ahaatee waa in mar kasta la tixgeliyo baahida qofka.

Si sahlan oo kharash yar ama kharash la’aan ah ayaa  loo sameyn karaa fududeyn badan.  Xataa marka xalka ugu wanaagsan dhaliyo dhibaato aan loo baahneyn, welii waxaa jira waajib in la qaado talaabooyinka ku xiga talaabada ugu fiican ilaa laga gaaro talaabada ugu fiican.

Adiga oo ah qofka qaba baahida xaaladda qoyska: U sheeg loo-shaqeeyehaaga, ururka, milkiilaha hantida, ama bixiyaha xanaanada waxa ay yahiin baahidaada la xariirto xaaladda qoyska, raaci macluumaadka taageersan hadba sida loogu baahan yahay, kuna kaalmee raadinta xal suurtogal ah.

Loo shaqeeye ahaan, urur ahaan, milkiilaha hantida ama bixiyaha adeegga:  Si daacad ah u ogolow codsiyada fududeynta.  Weydiiso macluumaadka loo baahan yahay oo keliya, oo xajji asturnaanta macluumaadkaan.  Xal u hel sida ugu dhakhsiyaha badan sida suurtogalka ah, iyo inta badan, - bixi kharashka, sida fikradda aqoon yahanka ama dokumentiyada loo baahan yahay.

Si aad u heshid macluumaad badan

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission), Siyaasadda iyo Tilmaamaha Takoorka Ugu Wacan Xaaladda Qoyska (Policy and Guidelines on Discrimination Because of Family Status) iyo daabacaadyada kale waxaa laga heli karaa www.ohrc.on.ca.

Si aad u soo gudbisid ashtakada xuquuqda aadanaha – taasoo lagu magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Tribunal) ee Ontaariyo taasoo laga helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-598-0322
TTY lacag la’aan: 1-866-607-1240
Bogga internetka: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) lagana helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-625-5179
TTY lacag la’aan: 1-866-612-8627
Bogga internetka: www.hrlsc.on.ca

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-8565-1 | HTML: 978-1-4435-8566-8 | PDF: 978-1-4435-8567-5
Attachments

File name File size Actions
Human rights and family status_Somali_accessible.pdf 874.88 KB Download
Attachments