Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code)
Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerka (the Code) wuxuu sugaa xuquuqda siman iyo fursadaha, iyo ka madax banaanida takoorka. Xeerku (the Code) wuxuu aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha uu leeyahay qof kasta oo ku sugan Ontaariyo, xagga shaqada, guriyeynta, dhismooyinka iyo adeegyada, heshiisyada, iyo xubin ka noqoshada ururada shaqaalaha, tujaarada ama ururada aqoonyahanka.
Waa la badbaadiyaa dadka lagu takooro ama lagu kadeedo aqoonsigooda labnimo ama dhediggnimo sida hoos timaado sharciyada u dagsan labnimada/dheddignimada. Tan waxaa ka mid ah dadka assalkii labnimadooda/dheddignimadooda lagu baddalay qalliin (transsexual), dadka labnimadooda/dheddignimadoodu ka duwan tahay tan caadi ahaan lagu yaqaan (transgender), iyo dadka assalkooda labnimo/dheddignimo iyo muuqaalkoodu kala duwanyahay (intersex person), dadka labista dharka dadka aan la caynka ahayn (cross dressers), iyo dad kale oo aqoonsigooda labnimo ama dheddignimo ama waxa ay soo jeediyaan yahay, ama loo arko in uu yahay, wax ka duwan labnimadii/dheddignimadii ay ku dhasheen.
Maxuu yahay aqoonsiga lab ama dheddig?
Aqoonsiga lab ama dhedig wuxuu la xariiraa sida qofku u arko naftiisa iyo dareenka uu ka qabo ahaashaha lab ama dheddig. Aqoonsiga labnimo ama dheddiggnimo waa ka duwan yahay waxa aad iska aaminsantahay lab ama dheddig, kaasoo sidoo kale la badbaadiyo sida hoos timaado Xeerka (the Code). Waxaa dhici karta in aqoonsiga lab ama dheddig ee dadku ka duwan yahay kii ay ku dhasheen, waxaana ka mid noqon kara:
Transgender: Dadka waayaha noloshoodu ka mid tahay ahaashaha in ka badan hal jaad. Tan waxaa ka mid noqon kara dadka loo aqoonsado in qaliin lagu baddalay assalkoodii (transsexual), iyo dadka isku tilmaama in ay ku jiraan “daladda lab/dhedig” ama in ay ku nool yahiin qeybaha ka baxsan “nin” ama “naag”.
Transsexual: Dadka dhalasho ahaan loo aqoonsaday in ay leeyahiin hal jaad balse naftooda ku tilmaama si ka duwan. Waxaa dhici karta in ay raadsadaan ama in hal mar ama in ka badan la daweeyo si jirkooda loo raaciyo aqoonsiga ay gudaha ka dareemaan, sida daweynta hormoonka, qalliinka dib u habayn nooca isaga ka duwan ama qaliin kale.
Intersex: Dadka aan si sahlan lagu tilmaami karin in ay yahiin “nin” ama “naag,” taasoo ku saleysan astaamaha jirkooda muujiyo waqtiga dhalashada ama baaluqnimada kaddib. Eraygaan wuxuu baddalaa erayga aan habbooneyn “nimow-naageed” (“hermaphrodite”).
Crossdresser: Qofka labista dharka caadi ahaan lala xariiriyo dadka aan ahayn waxa uu yahay.
Trans: Erayga daladda ee loo isticmaalo in lagu sharaxo shakhsiyaadka aan ilaa heer raacin waxa bulshada caadi ahaan ku sifeyso nin ama naag.
Takoorka iyo kadeedka:
Takoorka ku saleysan aqoonsiga lab ama dheddig waa fal kasta oo ku saleysan labnimada/dheddignimada qofka ama ahaashaha lab ama dheedig, ha ahaato ula kac ama yeysan ahaan, taasoo culeys saarta qofka ama kooxda balse aan dadka kale saarin, ama reebta ama xad u yeesha helitaanka manafacaadka ay heli karaan xubnaha kale ee bulshada. Tan waxay ahaan kartaa mid cad ama mid dahsoon. Takoorku wuxuu kaloo ka dhici karaa heer sare oo ku dhisan nidaamka, sida marka sharic ama siyaasad u muuqata in ay tahay dhexdhexaad, balse aan loo sameynin hab u furan dhamaan. Tan waxay waxyeello gaarsiin kartaa xuquuqda dadka taasoo ugu wacan aqoonsiga labnimo/dheddignimo.
Kadeedku waa nooc ka mid ah takoorka. Waxaa ka mid ah faallada, kaftanka, aflagaadada, ama dabeecadda ama bandhigidda sawir ku aflagaadeeya ama ku yasa taasoo ugu wacan aqoonsigaaga labnimo/dheddignimo.
Qofna waa in aan loola dhaqmin si ka duwan inta uu ku sugan yahay shaqada, dugisga, marka uu isku dayaayo in uu kireysto guri, marka uu raashin ka cunaayo makhaayad, ama waqti kasta oo kale, taasoo ugu wacan aqoonsigooda labnimo/dheddignimo.
Tusaale: Qof qalliin lagu baddalay labnimadiisii/dheddignimadiisii ayaa wuxuu ka jawaabay xayaysiin loo sameeyay guri. Maamulahii wuxuu uu sheegay in uusan jirin guri banaan, inkastoo ay jireen.
Tusaale: Shaqaale ayaa wuxuu maamulaha u sheegay in uu yahay qof labista dharka dadka aysan iskunooca ahayn (cross-dresser). Maamulahii wuxuu shaqaalaha ku yiri in uusan u qalmi doonin in la siiyo darajo ama tababarka shaqada, maxaa yeelay macaamiisha iyo shaqaalaha uu la shaqeeyo ma ahaan doonaan kuwo raali ka ah waxa uu yahay.
Ururadu ma takoori karaan, waa in ay wax ka qabtaan ashtakooyinka la xariira kadeedka, iyo waa in ay suurtogeliyaan jawi aan takoorin dadka labnimadooda/dheddignimadooda baddalay (trans). Tan waxaa kaloo lagu dabaqaa “qaybta saddexaad,” sida dadka ku shaqeeyo heshiis ama si joogto ah xariir ula leh ururka. Shakhsiyaadkan waa in loo aqoonsado waxa ay yahiin lab ama dheddig, iyo waa in loo ogolaado gelitaanka musqulaha iyo meelaha lagu baddash sida ku saleysan aasaaskaan, haddii si khaas ah aysan u soo codsanin fududeyn kale (sida asbaab la xariirta ammaanka ama asturnaanta).
Waajibka fududeynta:
Sida hoos timaada Xeerka (the Code), sharci ahaan, shaqaalaha, ururada, milkiileyaasha hantida iyo bixiyeyaasha adeegga waxaa saaran waajib in ay dadka u fududeyaan una raacaan aqoonsigooda lab ama dheddig. Ujeedada fududeyntu waxay tahay in dadka loo ogolaado in ay si siman uga fa’iideystaan kana qeybqaataan adeegyada, guriyeynta ama goobta shaqada.
Fududeyntu waa mas’uuliyad la wadaago. Qof kasta oo ku lug leh, kana mid ah dadka weydiisanaaya fududeynta, waa in uu la shaqeeyo hawsha, la qeybsado macluumaadka, iyo si wadajir ah u sahamiyo xalalka fududeynta.
Tusaale: Nin labnimadiisii baddalay (transgender) ayaa soo qaaday arrimo la xariira amaanka taasoo ugu wacan handadaad ka dhacday qaybta ragga ee goobta jimicsiga. Maamulaha goobta jimicsigu wuxuu tallaabo ka qaaday kadeedeyaashii, wuxuuna macaamiisha la fiiriyay xalalka suurtogalka ah, sida darbiyada kala qeybiya dhamaan meelaha lagu qubeysto iyo meelaha lagu beddesho ee qolka ragga, ama qolalka keli keli loogu qubeysto iyo qolalkalagu beddesho. Waxay u ogoladeen in uu isticmaalo meelaha shaqaalaha ilaa laga gaaro xal kama dambays ah.
Tusaale: Naag dheddignimadeedii baddashay (trans) ayaa loo diiday in ay isticmaasho musqusha dumarka ee meesha ay ka shaqeyso. Maamulaheedii wuxuu arrintaas ku daafacay sharaxaadda in shaqaale kale ay muujiyeen in aysan raali ka ahayn. Goobtan shaqadu waxay u baahan tahay siyaasad si cad u sheeqeysa in shaqaalaha aqoonsigoodii labnimo/dhaddignimo baddalay (transsexual) uu xaq u leeyahay in uu isticmaalo musqushaan, isla markaasna in uu bixiyo aqoonta lagu xalliyo arrimaha shaqaalaha iyo in mustaqbalka laga hortaggo kadeedka iyo takoorka.
Tusaale: Nin boliis ah ayaa wuxuu qaawiyey naag aan raacin waxa bulshada ku sifeyso caadi (trans) si uu u baaro, inkastoo ay weydiisatay in la siiyo sarkaal boliis oo dumar ah oo ku sameeya baarista noocaan ah. Adeegga boliisku wuxuu yiri waa in sarkaal nin ah uu ku lug yeesho baaristan maxaa yeelay qofkan laguma sameynin qaliinka lagu baddalo aqoonsiga labnimada/dheddignimada. Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) wuxuu amar ku bixiyay in qofka noocan ah ee loo baahanyahay in la baaro ilaa dharkiisa hoose, in la siiyo saddax talo: adeegsida sarakiil rag ah oo keliya; adeegsiga sararkaal dumar ah oo keliya; ama baaris ay ku lug leeyihiin saraakiil rag iyo dumarba leh.
Xajinta Macluumaadka Gaarka ah:
Loo-shaqeeyaha ama bixiyaha adeeggu waa in uu haysto sabab dhab ah uu ku soo uruuriyo kuna isticmaalo macluumaadka shakhsiga, sida laga helo shattiga wadaha baabuurka ama shahaadada dhalashada, ee toos ahaan ama si dadban u tilmaanta in labnimada/dheddignimada qofkani ka duwan yahay labnimadiisii hore ama dheddignimadeedii hore. Waa in ay sugaan heerka ugu sareeya asturnaanta iyo gaar ahaanta. Tan waxaa lagu dabaqaa dhamaan kiisaska, sida diiwaanka shaqada iyo faylalka, diiwaanka shirkadda caymiska, macluumaadka caafimaadka, iwm.
Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah:
Siyaasadda Takookra iyo Kadeedka Taasoo Ugu Wacan Aqoonsiga Jaadka Qofka (Policy on Discrimination and Harassment Because of Gender Identity) ee Gudiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission) iyo daabacaadyo kale waxaa lag heli karaa www.ohrc.on.ca.
Si loo sameeyo ashatakada xuquuqda aadanaha – laguna magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Tribunal) ee Ontario lagan helo:
Lacag La’aan: 1-866-598-0322
TTY Lacag La’aan: 1-866-607-1240
Bogga internetka: www.hrto.ca
Si aad uga hadashid xuquuqdaada ama haddii aad u baahan tahay kaalmo, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) taasoo laga helo:
Lacag La’aan: 1-866-625-5179
TTY Lacag La’aan: 1-866-612-8627
Bogga internetka: www.hrlsc.on.ca