Skip to main content

Disability and human rights (brochure)

Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario’s Human Rights Code)

Xeerka Xuquuqada Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) loona yaqaan Xeerka (the Code) wuxuu badbaadiyaa xuquuqda iyo fursadaha siman, iyo ka-madax banaanida takoorka.  Xeerku (the Code) wuxuu aqoonsan yahay sharafta iyo qaayaha qof kasta oo ku sugan Ontaariyo.  Waxaa lagu dabaqaa meelaha laga shaqeysto, guryaha, fududeynta iyo adeegyada, heshiisyada, iyo xubin ka-noqashada ururada, ururada tujaarada ama farsamda.

Marka ay ku sugan yahiin shaqada, shaqaalaha itaalka darrani waxay xaq u leeyahiin isla fursadaha iyo manaafacaadka la siiyo dadka aan itaalka darnayn.  Mararka qaar, waxaa dhici karta in ay u baahan yahiin qorshe khaas ah ama “fududeyn” si ay u fuliyaan waajibaadka ka saaran shaqada.

Macaamiisha, rukunka iyo kireystaha itaalka darran waxay kaloo xaq u leeyahiin in si siman loola dhaqmo iyo in ay sinaan ku helaan fududeynta iyo adeegyada.  Tusaalooyinka fududeynta iyo adeegyada waa makhaayadaha, dukaamada, hoteelada iyo masraxyada lagu dhigo filimada, iyo dhismooyinka abarmanada, meelaha laga qaato gaadiidka iyo meelaha dadweynaha.

Bixiyeyaasha waxbarashada dadweynaha iyo waxbarashada gaarka waa in ay hubsadaan in dhismooyinkooda iyo adeegyadooda la heli karo, iyo in ardayda itaalka darran loo fududeeyo.

Maxay tahay itaal darridu?

“Itaal darridu” waxay khuseeysaa xaalado balaaran oo kala heer ah, qaar la arki karo iyo qaar aan la arki karin.  Waxaa dhici karta in itaal darrida lagu dhasho, in ay sababto shil, ama soo baxdo muddo kaddib.  Waxaa jira itaal darrida jirka, maskaxda, iyo wax barashada, madax faluuqa, itaal darrida maqalka iyo aragga, qalalka, ku tiirsanaanta mukhadaraadka iyo khamrada, xasaasiyada loo qabo deegaanka, iyo xaalado kale.  

Xeerku (the Code) wuxuu dadka ka badbaadiyaa takoorka taasoo ugu wacan itaal darri hore, mid iminka jirta, iyo mid loo arko in ay itaal darri tahay.  Tusaale ahaan, Xeerku (the Code) wuxuu badbaadiyaa qofka la kulma takoor maxaa yeelay wuxuu ka soo kabsaday khamri cabbis.  Waa sidaas oo kale qofka xaaladiisu aysan xad u yeelin kartida uu ku shaqeysto, balse loo haysto in uu halis weyn kaga jiro in uu in yar qabto mustaqbalka.

Ka qaadidda caqabadaha hor taagan iyo ka qeyb gelinta

Dadka qaba itaal darridu  waxay la kulmaan noocyo badan oo itaal darri ah maalin kasta.  Kuwaan waxay noqon karaan kuwo la xariira jirka, dabeecadda ama sida nidaamku u dhisan yahay.  Waxaa aad u wanaagsan in la aqoonsado iyo in iskaa loo qaado waxyaabaha ku dadban baddalkii la sugi lahaa in hal hal looga jawaabo codsiyada fududeynta ama ashtakooyinka.

Aqoonsiga iyo ka qaadidda waxyaabaha ku dadban waxay kaloo u roon tahay ganacsiga wanaagsan.  Bacdamaa ay la kulantay baahida macaamiisha ama shaqaalaha itaalka darran, ka qaadidda waxyaabaha ku dadban waxay kaloo kaalmeyn kartaa dadka kale, sida dadka waaweyn iyo qoysaska qaba caruur yaryar.

Loo-shaqeeyeyaasha, urarada, milkiilaha hantida iyo kuwa bixiya adeegyadu waxay bilaabi karaan in ay fiiriyaan sida loo geli karo dhismooyinkooda, sida loo heli karo adeegyadooda iyo hababkooda si loo arko waxyaabaha ku dadban ee jira.  Kaddibna waxaad sameyn kartaa qorshaha gelitaanka iyo waxaad bilaabi kartaa in aad ka saartid waxyaabaha ku dadban.

Waxaa kaloo waxtar leh in la abuuro siyaasadda helitaanka iyo habka ashtakada.  Talaabooyinkani  waxay kugu kaalmeyn karaan ka-qaadidda waxyaabaha ku dadban ee jira iyo iska ilaalinta in la sameeyo kuwa cusub.  Sida ugu wanaagsan oo looga hortaggi karo waxyaabaha ku dadban waa in la sameeyo nidaam ay isticmaali karaan dhammaan.  Tan macnaheedu waxay tahay in marka la qorsheynaayo dhismooyin cusub, la dayactiraayo, la iibsanaayo siistemyada kombuyutarka ama qalab kale, soo saaridda bogagga internetka, dejinta siyaasadaha iyo hababka, ama marka la bixinaayo adeeyo cusub, hubso in waxa aad dooratid iska ilaaliyaan in aysan abuurin waxyaabo cusub oo ku dadban dadka itaalka darran.

Caqabaduhu ma aha kuwo khuseeya jirka oo keliya.  Ka qaadidda talaabooyin looga hortago “curyaanimada” (“ableism”) – dabeecadaha bulshada ee hoos u dhiga iyo soo koobidda kartida qofka itaalka darran – waxay kaalmeysaa horumarinta xushmadda iyo sharafta, iyo waxay kaalmo u tahay dadka itaalka darran in ay si buuxdo qeyb uga qaataan nolosha bulshada.

Waajibka fududeynta

Xataa marka dhismooyinka iyo adeegyada loo fududeeyo dhamaan ilaa inta suurtogalka ah, waxaa dhici karta in aad weli u baahatid in aad u fududeysid baahida ay qabaan dadka itaalka darran.  Sida hoos timaado Xeerka (the Code), ururada, milkiileyaasha hantida iyo bixiyeyaasha adeegga waxaa sharci ahaan saaran “waajibka in ay u fududeyaan” dadka itaalka darran.  Ujeedada fududeyntu waa in dadka itaalka darran loo ogolaado in ay si siman uga fa’iideystaan kana qeyb galaan adeeygada, guriyeynta ama goobta shaqada.

Fududeyntu waa mas’uuliyad la wadaago.  Qof kasta oo ku lug leh, sida qofka weydiisanaaya fududeynta, waa in uu la shaqeeyo, dhaafsado macluumaadka muhiimka ah, iyo in uu si wadajir ah u raadiyo xalka fududeynta.

Ma jirto qaacido u dagsan fududeynta loo fidiyo dadka itaalka darran.  Inkastoo fududeynta qaar ay fa’iido u noqon karto dad badan, waxaad weli u baahan tahay in aad tixgelisid baahida u gaarka ah qofka mar kasta uu qof weydiisto in loo fududeeyo.  Waxaa dhici karta in xalka loo sameeyo hal qof in aysan u shaqeynin qof kale.

Qaar ka mid ah tusaalooyinka fududeynta waxaa ka mid ah:

  • Dabacsanaan dheeraad ah xagga saacadaha shaqada ama waqtiyada nasashada
  • Waxyaabaha la akhristo oo lagu qoro qaabab kale sida qoraalka digitalka, Braille ama farta waaweyn
  • In la heli karo turjubaanada luqadda calaamadaha (sign language) ama in qoraal ahaan loo siiyo dadka dhagoolaha, maqalka beelay, ama dhagaha culus, waqtiyada ay u baahan yahiin si ay uga qeybgalaan shirarka 
  • In la geliyo albaabada automaatika iyo in musqulo leysku dhaqo laga sameeyo goobta shaqada ama meelaha ka dhexeeya dadka dhismooyinka wadaago
  • Mararka qaar, in la baddalo waajibaadka shaqada, dib u tababaridda ama in qof loo xil saaro shaqo kale.

Si sahlan iyo kharash yar ayaa lagu sameyn karaa fududeyn badan.  Mararka qaar, in isla markiiba la geliyo xalka ugu wanaagsan waxay dhalin kartaa “dhibaato aan loo baahneyn” kharash ahaan, ama caafimaad ahaan iyo qodobo la xariira amaanka.  Xataa haddii sidaas la sameeyo, waxaa weli ku saaran waajib in aad fiirisid iyo in aad ku dhaqaaqdid talaabada ku xigta ee ugu fiican, ee aan u horseedin dhibaato aan loo baahneyn.  Talaabooyinka noocaan ah waa in la qaado oo keliya ilaa laga geliyo xalka ugu fiican ama in kis kis loo sameeyo

Mas’uuliyadda Fududeynta

Qof itaaldaran ahaan:

  • U sheeg loo-shaqeeyahaaga, ururka, milkiilaha hantida ama bixiyaha adeegga waxa baahidaada la xariirta itaal darridu ay tahay xagga waajibaadkaaga shaqada, daganaashadaada ama adeegyada la bixiyo
  • Bixi macluumaad taageersan baahidaada itaal-darrida hadba meesha looga baahdo, sida macluumaadka fikradaha caafimaadka ama fikradaha aqoon yahanka.
  • Ka qeyb qaado raadinta xalka fududeynta suurtogalka ah.

Loo-shaqeeye ahaan, urur, milkiilaha hantida ama bixyaha adeegga:

  • Si daacad ah u ogolow codsiyada fududeynta ay soo jeediyaan shaqaalaha, degganayaasha, iyo rukunka
  • Weydiiso oo keliya macluumaadka aad u baahan tahay si aad u bixisid fududeynta.  Tusaale ahaan, waxaad u baahan tahay in aad ogaatid in marka qofka shaqaalaha ahi indha beelo in taasi ay ka hor istaagto isticmaalka qoraalka daabacan, balse ma u baahnid in aad ogaatid in qofku uu qabo sonkorow
  • Kaalin firfircoon ka qaado raadinta fududeynta xalka u ah baahida qofka
  • Wax ka qabo codsiyada fududeynta sida ugu dhakhsiyaha badan, xataa haddii taas macnaheedu tahay xal ku meel gaar ah inta aad ka shaqeyneysid xalka muddada dheer
  • Xushmee sharafta qofka soo codsada fududeynta, oo xajji asturnaanta macluumaadka
  • Bixi kharashka fududeynta, sida kharashka ku baxa fikradaha caafimaadka ama fikradaha aqoon yahanka ama dokumentiyada.

Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah:

La tasho qoraalka Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission), Siyaasadda iyo Tilmaamaha Itaal Darrida iyo Waajibka Fududeynta (Policy and Guidelines on Disability and the Duty to Accommodate), Xuquuqda Aadanaha ku Saabsan Shaqada(Human Rights at Work), iyo sidoo kale siyaasadaha kale, tilmaamaha, warbixinta iyo qoraalada la soo gudbiyo ee ka hadla arrimaha itaal darrida xagga meelaha wax lagu barto, makhaayadaha, Xeerka Dhismaha (Building Code), gaadiidka dadweynaha iyo dadka waaweyn. Dhammaan qoraaladaan waxaa laga heli karaa bogga internetka OHRCt www.ohrc.on.ca.

Siyaasadda iyo buuggaani waxay daba socdaan xuquuqda iyo waajibaadka ku qoran Heshiiska Qaramada Midoobay (United Nations Convention) ee ku saabsan Xuquuqda Dadka Itaalka Darran (Rights of Persons with Disabilities) (CRPD).  Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah, booqo bogga internetka: www.un.org/disabilities.

Si aad u soo gudbisid ashtako – taasoo lagu magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) ee laga helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-598-0322
TTY lacag la’aan: 1-866-607-1240
Bogga internetka: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Taageerada Xagga Sharciga ee Xuuquuda Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) ee laga helo:
Telefoonka lacag la’aanta: 1-866-625-5179
TTY lacag la’aan: 1-866-612-8627
Bogga internetka: www.hrlsc.on.ca

ISBN/ISSN
PRINT:978-1-4435-7427-3 | HTML: 978-1-4435-7428-0 | PDF: 978-1-4435-7429-7
Attachments

File name File size Actions
Disability and human rights_Somali_accessible.pdf 396.49 KB Download
Attachments