Skip to main content

Age discrimination (brochure)

Weligaa ma maqashay …

“Ma hubtaa in aad qaban kartid shaqadaan?  Waxay u baahan tahay quwad badan iyo himmad, anaguna waxaan raadineynaa qof ka soo bixi kara shaqadan.”

“Uma baahnid barnaamijkaan tababarka.  Da’daada marka la fiiriyo, maxay kuu fa’iideyn doontaa?”

“Waxaan rabnaa qof bisil oo qaban kara shaqadaan”

“Ardaydu waa dad qeylo badan oo aan leysku hallayn karin.”

Faallada noocaan oo kale ahi waxay muujin kartaa da’ raaca – taasoo macnaheedu yahay fikrado ku saleysan calaamado iyo dabeecado ku saabsan da’da.  Dhalin yarada iyo dadka waaweyn waxay la kulmi karaan da’ raac.  Da’ raacu wuxuu kaloo ka dhallan karaa marka bulshado loo arko loona hindiso qaab ku saleysan baahida dhallin yarada ama dadka waaweyn, iyadoo aan la raadinin siyaabo suurtogeliya ku darrida dhamaan dadka, iyadoo aan la fiirinin da’da.

Waxaad la kulmi kartaa takoor waqti uun noloshaada ka mid ah, waxayna u badan tahay in kooxaha da’da qaar la kulmaan noocyo kala duwan oo takoor ah.

Waa lagaa badbaadiyay takoorka da’da:

Xeerka Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Code) wuxuu dadka ka badbaadiyaa takoorka ku salaysan da’da.  Xeerku (the Code) wuxuu da’da ku tilmaamaa 18 sano ama ka badan.  Hase ahatee, dadka jira 16 sano ama ka badan waxaa laga badbaadiyaa takoorka guriyeynta haddii aysan la noolayn waalidiintooda.  Tan macnaheedu waxay tahay in dadku aysan kugu takoori karin da’daada, meesha aad ka shaqeysid ama aad ku nooshahay, ama marka aad bixineysid adeegyo.

Qaar ka mid ah barnaamijyada iyo manafacaadka khaaska ah, sida qiima dhimista la siiyo waayeelka ama barnaamijyada shaqada dhallin yaradu, waxay wax ka qabtaan baahida dhab ahaan la xariirta da’da.  Wixii ka baxsan barnaamijyada noocaan ah, waxay noqon karaan takoorka da’da marka, da’daada awgeed, laguula dhaqmo si cadaalad darro ah.

Bacdamaa aad tahay qof ka weyn 18 sanno:

Waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo isla fursadaha shaqada la siiyo dadka kale.  Laguuma diidi karo shaqo, tababar ama horumar, ama laguguma khasbi karo hawlgabnimo, taasoo ugu wacan da’daada.  Marka laga reebo in aad u yar, hawlgabnimada khasabka ah lagama ogola Ontaariyo.

Waxaad xaq u leedahay isla heerka adeegyada la siiyo qof kasta oo kale, sida daweynta caafimaadka iyo xanaanada caafimaadka kale.

Haddii aad tahay qof weyn, waxaad filan kartaa in milkiileyaasha hantida ama bixiyeyaasha guryahu in ay guriga u habeyaan ama baddalaan siyaasadaha guriyeynta (tusaale ahaan, in laguu ogolaado in aad ku wareegtid unug in badan ka wanaagsan kan aad ku jirtid) si loo waafajiyo baahidaada la xariirta da’da haddii aysan ahayn dhibaato aan loo baahneyn.

Loo shaqeeyaha:

  • Ma diidi kartid in aad shaqaleysid, tababartid ama horumarisid dadka taasoo ugu wacan da’dooda.

  • Ha bartilmaameysanin shaqaalaha waaweyn, ama da’da kooxaha kale, marka laga hadlaayo dhimista shaqaalaha ama dib u habeynta.

  • Waa in aad hubsatid in goobtaada shaqadu ka madax banaan tahay takoorka, soo dhaweyso dhamaan dadka, iyo in ay dhowrto oo taageerto baahida dhamaan shaqaalaha, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha waaweyn.

Bixiyaha adeegyada siiya dadweynaha:

  • Ma diidi kartid in aad u adeegtid dadweynaha, toos ahaan ama si dadban, taasoo ku saleysan da’da.

  • Waa in aad la kulantid baahida dadka waaweyn.  Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in dadka qaar u baahan yahiin in aad siisid waqti badan ama waxay u baahan karaan fududeyn, meelaha xafiisyada takhaatiirta, dukaamada, ama basaska ama treenada.

  • Si duwan ulama dhaqmi kartid dhalin yarada (tusaale ahaan, suuqyada, masraxyada filimada, iwm.) taasoo ugu wacan fikrado laga qabo bislaanta, mas’uuliyadda ama dabeecadda dhalin yarada.

Milkiilaha hantida ama bixyaha guriyeynta:

  • Guri kama saari kartid kireyste waayeel ah maxaa yeelay waxay bixiyaan kiro yar.

  • Ma diidi kartid in aad ka kireysid dhalin yaro maxaa yeelay waxaad u haysataa in aysan ahaan doonin dad wanaagsan.

  • Waxaa dhici karta in aad mas’uul ka tahay in aad wax ka baddashid guryaha si aad gelitaanka guriga ugu fududeysid waayeelka.  Tan waxaa ka mid ah baddalaadda sida gelinta taagyada, qalabka digniinta dabka iyo gambaleelka albaabka, gacanta albaabyada ama miisaas hoose. 

Si aad u heshid macluumaad badan

Siyaasadda Takoorka ka soo Horjeedo Dadka Waaweyn Taasoo ugu Wacan Da’da (Policy on Discrimination Against Older People Because of Age) ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Ontario Human Rights Commission) iyo daabacaadyo kale waxaa laga heli karaa www.ohrc.on.ca.

Si aad u gudbisid ashtakada xuquuqda aadanaha – laguna magacaabo arji – la xariir Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Ontaariyo (Human Rights Tribunal of Ontario) lagana helo:
Lacag La’aan: 1-866-598-0322
TTY Lacag La’aan: 1-866-607-1240
Bogga Internetka: www.hrto.ca

Haddii aad u baahan tahay kaalmada sharciga, la xariir Xarunta Kaalmada Sharciga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Legal Support Centre) ee laga helo:
Lacag La’aan: 1-866-625-5179
TTY Lacag La’aan: 1-866-612-8627
Bogga Internetka: www.hrlsc.on.ca

ISBN/ISSN
PRINT: 978-1-4435-8520-0 | HTML: 978-1-4435-8521-7 | PDF: 978-1-4435-8522-4
Attachments

File name File size Actions
Age discrimination_Somali_accessible.pdf 795.94 KB Download
Attachments